U bood dhigaalka

Lacago Been Abuur Ah Oo Lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Lacag Shilin Soomaali oo been abuur ah, taasi oo ay wateen dad la sheegay in gacansato iska dhigayeen.

Muxudiin Yuusuf Samatar oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegay in lacagta been abuurta ah ee la qabtay ay dhameed 10-milyan oo Shilin Soomaali ah.

Waxa uu sheegay mas’uulkaan in taliska Booliiska Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ay gubeen lacagtaasi, islamarkaana la hayo qaar ka mid ah dadkii magaalada soo geliyay.

“Lacagtaan 10-milyan ayeey ahayd, waxaana qabtay ciidamada ammaanka, waana la gubay lacagtii beenta ahayd” ayuu yiri Muxudiin Yuusuf.

Ugu dambeyn Muxudiin Yuusuf ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo in ay ka fogaadaan lacagahaasi been abuurka ah oo qaarkood magaalada ku faafay.

Goobjoog News