U bood dhigaalka

Lacagta Liiraha Turkiga Oo Hoos u Dhac Ku Yimid

Sheeko:Dalka

Lacagta Turkiga ee liiraha ayaa hoos u dhacday 5% marka lagu sarifo lacagta dollarka Maraykanka ka dib markii ciidamada militariga Turkiga ay sheegeen in ay afgambi kula wareegeen dalka Turkiga, balse uu fashilmay isku daygaas.

Liiraha Turkiga ayaa hoos u soo dhacay 4.6 boqolkiiba halkii doolar, waana hoos u dhicii ugu weynaa tan iyo sanadkii 2008-da.

halkii liira ayaa lagu sarifayey lacag dhan $0.3475 ka hor inta uusan afgembiga ka billaaban dalkaasi, balse hadda halkii Liira ayaa hoos u dhacay waxaana hadda lagu sarifayaa lacag dhan  $ 0.331, marka la eego suuqyada lagu sariifo lacagaha.

madaxweynaha Turkiga Recep deyeb Ordogan oo shacabkiisa kala hadlay TV-ga ayaa sheegey in ay isku soo baxaan oo ay dalkooda badbaadiyaan, waxaana gebi ahaan fashilmay isku deygii afgembi ee lala damacsanaa xukuumadda Erdogan.

Goobjoog Business