U bood dhigaalka

Lacagtii Imaaraadku Lahaa Oo La Dhigay Bangiga Dhexe

Sheeko:Dalka

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, saraakiil ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya  ayaa la wareegtay lacag $9 Milyan ah.

Lacagtan oo laga lahaa dalka Imaaraadka ayaa Abu Dhabi waxaa ay ku doodeysaa in ay tahay mushaar ay leeyihiin ciidamada ay ku tababarto maamul goboleedka Puntland iyo Banaadir.

Sida aan warar ku helnay ciidamo Soomaali ah ayaa difaacay aragtida Imaaraadka, laakin NISA ayaa ka diiday, waxaana lacagta loo qaaday Bangiga dhexe si loo sameeyo baaritaan dheeraad ah.

Goobjoog News