U bood dhigaalka

Lafta-gareen: KGS Kama Qeybgalayso Shirka Uu Iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aaddan shirka golaha wadatashiga qaranka ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay in uusan ka qeyb gali doonin shirka golaha wadatashiga uu isugu yeeray ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.
“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Lafta-gareen.
Go’aanka lafta gareen uu shirka ka qaatay ayuu sheegay in uu ka dhashay kadib faragelin lagu sameeyay guddiga xalinta khilaafadka arrimaha doorashooyinka.
“Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay,” ayuu yiri lafta-gareen.
Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ayaa sidoo kale sheegay in uu ka soo qeyb galayo shirka uu ku baaqay Farmaajo xalay xilli dambe.
Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.
Mowfiqka KG ayaa ku soo adaya xilli saacado ka hor Puntland ay sheegtay in ay diyaar u tahay ka qeyb galka shirka Rooble.
Goobjoog News