U bood dhigaalka

Lafta-gareen oo Magacaabis Sameeyey

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed( Laftagareen) ayaa magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonaya wasiirrada maamulkiisa, halka uu xilka qaadis ku sameeyey kuwa kale oo xilal kala duwan ka hayey maamulka Koonfur Galabeed ee uu hoggaamiyaha ka yahay.

Wareegto kasoo baxay xafiiskiisa ayaa waxaa lagu magacaabay wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda,   Aweys Xuseen Macali, wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tignooolajiyadda   Abdulaahi Sheekh Daahir Muxiyadiin iyo wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda Cabdullaahi Cabdi Cumar.