U bood dhigaalka

Lafta-gareen Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib Safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa .

Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa muddooyinkii la soo dhafay jiray dalka Turkiga, isago saakay dalka dib ugu soo noqday.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shirka arrimaha doorashooyinka oo lagu wado beri in uu ka furmo xerada Tababarka ciidamada Cirka ee Afisiyoni .

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dhamaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka oo la filayo in uu berri shirka uga furmo Caasimadda