U bood dhigaalka

Lafta-gareen oo Xildhibaan u Balanqaaday Kurisi Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka ah 2021

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdiacasis Lafta-gareen oo ka hadlay xaflad ay xalay isugu yimaadeen madaxda iyo xlidhibaannada koonfur galbeed ayaa bixiyey balanqaad ku aadan kursi ka tirsan golaha shacabka in xildhibaanka hadda ku fadhiyo uu sii heysan doono.

Madaxweyne Laftagreen ayaa Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow u balanqaaday inuu soo noqon doono iyada oo abaal looga dhigayo dhaawac ka soo gaaray qarax ay la beegsadeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa September 15, 2018-kii, qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, oo ay sheegteen Mas’uuliyaddiisa ku dhaawaceen Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow

Arrinta balanqaadka Cabdicasis Lafta-gareen waxaa ay abuuri kartaa kala shakin dhexmarta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaanimmo ee 2020/2021, meeshana ka saari karta hufnaan iyo doorasho xor oo xalaal ah.

Hadalkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu isna balanqaaday kursi kale uu sheegay inuu kusoo bixi doono Mahad Cawad

September 21, 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayey xaflad soo dhoweyn oo loogu sameeyey Muqdisho ayaa sheegay erayo laga dheehan karo musuq iyo awood sheegasho maamulkiisa ah  isla markaana abuuri kara kala shakin dhexmarta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaanimmo ee 2020/2021, meeshana ka saari karta hufnaan iyo doorasho xor oo xalaal ah.

Madaxweyne Saciid oo u jawaabayey hadal uu ka jeediyey xafladda Mahad Cawad, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka kaas oo sheegay inuu kursigiisa kala soo cararay Puntland isla markaanaaan nagaadi ku aheyn Galmudug ayaa yiri” Kursiga uu Mahad la soo cararay wad soo ceshan kartaa ayaa ku dhihi lahaa, waxaan balanqaadayaa haddii uu soo noqdana inuu isaga ku soo baxo, haddii uu Galmudug yaalana waan ka daba tagayaa in aan kala shaqeeyo halkan ka shgeeyaa”.

Goobjoog News