U bood dhigaalka

Laftagareen “Waxaa Socda Qorshe Al-shabaab Looga Xoreynayo K/galbeed”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed C/casiis Laftagareen ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan qorsheyaal amni oo deegaannada maamulkaasi looga saarayo Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in Al-shabaab haddii aan la iska qaban ay maalin walbo waxyeello u geysan doonaan shacab aan waxbo galabsan.

Waxa uu tilmaamay in maamulkooda isku diyaarinayo dagaallo ay la galaan Al-shabaab si loo badbaadiyo shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi.

“Haddii aan loo diyaar garoobin oo aan la isku tashan oo aan meel looga soo wadajeedsan cadowgaasi maalin walba shacab aan waxbo galabsan ayaa ku dhammaanaya, annaga ka K/galbeed ahaan waan dedaali doonnaa, waxaan rabanaan inaan sameynno qorshe amni oo lagula dagaallamayo dhagar-qabayaalka, meel kasta oo ay joogaan looga xoreynayo shacabka” ayuu yiri madaxweynaha K/galbeed.

Ugu dambeyn, madaxweynaha K/galbeed ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo iney garabsiiyaan ciidamada ammaanka.

Goobjoog News