U bood dhigaalka

 Larry Andre: Waxa Aan Taageereynaa Kuwa Doonaya In La Dhiso Soomaaliya Nabad Ah

Sheeko:Amniga

Safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb  Larry Andre ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambayay ee amniga iyo doorashooyinka dalka.

Larry ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay taagerayso howlaha nabadda ee Soomaaliya, si loo gaaro xasillooni iyo barwaaqo.

“Waxa aan taageereynaa kuwa doonaya in la dhiso Soomaaliya oo Amni ah, Barwaaqo ah nabadna ah waa taas iskaashiga aan la leynahay Mas’uuliyiinta Soomaalida, Dadka Soomaaliyeed & Bulshada Rayidka ku wajahan yahay, Danta Dadka Mareykanka ayaa ah in ay arkaan Soomaaliya oo guuleysata” ayuu yiri Danjire Larry Andre oo la hadlay VOA.

Amb Larry Andre ayaa sheegay in loo baahan yahay in si dhaqso ah lagu soo dhamaystiro howlaha doorashooyinka dalka.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadan Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xilliga la dhaarinayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14-ka April 2022, taasi kama dhigna in dhammaan la dhammeystiri doono kuraasta balse way dhici kartaa, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaariyo Xildhibaannada sida dhacday 2016kii” ayuu markale yiri Danjire Larry Andre.

Goobjoog News