U bood dhigaalka

Latagareen oo Madaxda Jubbaland Ugu Baaqay in Laga Baaqsado Dagaal Ka Dhaca Gobolka Gedo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo habeenimmadii xalay ka hadlayey munaasabad lagu maamuusayey laba sano guuradii ka soo wareegtay markii loo doortay xilka madaxweynha maamulkaas ayaa khudbad uu jeediyey waxaa uu kaga hadlay  xaaladda guud ee dalka , waxaana uu sheegay in uu doonayo inuu waanwaan ka galo Khilaafka u dhaxeeyo Jubbland iyo dowladda federaalka ee Gedo.

“Waxaan halkaan fariin uga diraayaa mas’uuliyiinta Jubbaland oo ugu horeeyo saaxiibkay walaalkey Axmed, Madaxweyne Axmed  waan kaala shaqeynaynaa nabadda iyo sidii Jubbaland ay kusoo noqon laheyd dadkaas walaalaha ahna ay kuwada nooolaan lahaayeen, umana baahno maanta in dad dambe oo walaal ah ay xabad isku ridaan oo la yiraahdo ciidan ayaa socda intii hore ayaa naguu filan Insha allah waxaan jecelahay inaad nala qaadan doontaan” ayuu yiri madaxweyne Laftageen.

Sidoo kale Madaxweynaha oo sii hadlaayo ayaa yiri” Waxaana rabaa inaan halkaan aan ka sheego baaq nabadeed in aysan dib danbe aysan xabad uga dhicin Jubbalanad iyo gobolka Gedo, anniga oo ku hadlaayo magaciina inaan nabadeyntaas u istaago jubbalanad iyo dib u heshiisiintii aan horay u balan qaaday inaan hormuud ka noqdo aanan ka shqeeyo dadkaas walaalaha ah in uurkooda illahey Burcad isku mariyo aniga oo shacabka iyo dowladda Koonfur Galbeed ka codsanaayo inaan kawada shaqeyno kalsoonidaas” ayuu yiri maadaxweyne Laftagareen.

Dhina kale Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii Jubbaland ay nabad u noqon laheyd waxaana  uu yiri. “Dadka degan Jubbalan iyo dadka degan Koonfur Galbeed waa dad walaalo ah, waa laba maaamul oo deris iyo walaalnimo naga dhaxeyso waaye, mas’uuliyadda kowaad cidda ay ka saaran tahay oo barrito Aakhiro la qabsan doono waa annaga, deriskaaga waa waxa ugu horeeyo  oo lagu waydiinaayo, waa waajib na saaran waana u istaageynaa nabadeynta waxaana Allah ka rajeynayaa inaan xabad ka dhicin”

Ugu dambeyn madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in xiligaan umadda Soomaaliyeed ayan u baahneyn dagaal ka daco dalka, ee loowada jeesto cadowgooda uu ku sheegay Al-shabab sida uu hadalka udhigay Laftagareen.

“Soomaaliya maanta uma baahno dadka isla joogo oo walalaha ah in xabad dhacdo in colad dhacdo uma baahno,  maanta haddii xabad la ridaayo waxaa ay u baahan tahay in hal meel lagu rido waana Shabab, Soomaaliya maanta hal cadow ayey leedahay waana shabab, qof weliba oo Soomaali ah waajibka saaran waa in Shabab la iska dhiciyo oo qoriga iyo hadalka aan annaga iskla soo noqonin oo hoaray u socono ” ayuu yiri.

Goobjoog News