U bood dhigaalka

Lataliyaha Amniga Qaranka Oo Beeniyay In Uu La Kulmay Saraakiil Itoobiyaan Ah

Sheeko:Amniga

Lataliyaha Amniga qaranka madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamuud, ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay baraha bulshada, kuwaas oo ah in kulama uu la qaatay xubna ka tirsan mas’uuliyiinta ururka TPLF.

Xuseen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan jabhadda TPLF, uu kula kulmay dalka Jabuti.

Qoraal uu ku faafiyay barahiisa bulshada ayuu ku sheegay lataliyaha in aanu dalka ka bixin tan iyo markii madaxweyne Xasan uu u magacaabay latalityaha amniga qaranka.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Xuseen Macalin.