U bood dhigaalka

Leyla Nuur Maax Oo Kusoo Baxday Kursiga 7aad ee Aqalka sare Kumatalaya Jubland

Sheeko:Amniga

Laylo Nuur Maax ayaa loo doortay xubin ka mid ah Aqalka sare ee laga soo doortay Jubbaland, iyadoo heshay 63 cod waxayna kusoo baxday kursiga 7aad ee aqalka sare baarlamanka 11aad ku matalaya Jubaland.

Xareedo Maxamed Sheekh oo kula tartantay kursigan ayaa iyana heshay 9 cod.

Doorashada Aqalka Sare ee Jubaland ayaa la filayaa in maanta lasoo gaban gabeeyo, waana maamulkii shanaad ee sidaa sameeya marka lagu daro Doorashadii Aqalka Sare ee Goblada Waqooyi.

 

GOOBJOOG NEWS.