U bood dhigaalka

Liiska Dhameystiran ee Guddiyada Doorashada SIET ee Dowlad Goboleedyada, Banaadir iyo Somaliland

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashada dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoonka SIET-ka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada hirshabeelle ee SIET ayaa loo doortay Axmed Xasan Diini, oo ka mid ah guddiga halka ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga doorashada dowlad gobaleedka Hirshabeelle loo doortay Xaliima Maxamed Cismaan.

Doorashada guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa noqoneysa middii ugu dambeysay ee la doorto xilli horay loo doortay gudoomiyahayaasha dhammaan guddiga doorashada dowlad gobaleedyada dalka, Banaadir iyo Somaliland.

Guddiyada SIET-ka ee Horay Loo Doortay: 

Somaliland: 

Garabka Mahdi Guuleed, oo ahaa  7 xubnood  ahaa ayaa axaddii shalay aheyd Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka Najiib Xuseen Samaale ay u doorteen   guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Tallaabo lagu tilmaamay mid jawaab u ah isla shalay galab, saacado kadib, doorasho ay qabsadeen SIET-ka Somaliland garabka Guddoomiye Xaashi ayaa loo doortay guddoomiye Suleymaan Caydiid Cismaan halka ku xigeen loo doortay Cabdishakuur Abiib Xayir.

Jubbaland:

10-ki bishan July waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay hoggaanka guddiga doorashada dowlad gobaleedka Jubbaland ee SIET-ka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa loo doortay  Siyaad Maxamed Mursal, halka gudoomiye ku xigeen loo doortay Cabdiqadir Maxamed Maxamed( Jeylani).
Banaadiriga:
7-dii bishan July waxaa isla magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka guddiga doorashada SIET ee Banaadiriga kadib kulan ay muqdisho ku yeesheen xubnaha guddigaas.
Sacdiyo Aweys Cali Boolay ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada banaadiriga, halka Gudomiye ku xigeen loogu doortay Maxamed Xaaji Maye.
Puntland :
6-dii bishan July waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka guddiga doorashada Puntland kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen xubnaha guddigaas.
Guddiga ayaa guddoomiyaha guddiga doorasha SIET u doortay Cabdikariim Muse Maxamed, halka caynaanshe yuusuf Maxamed loo doortay gudoomiye ku xigeenka Guddiga.
Koonfur Galbeed:
5-tii bishan July guddiga doorashada Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku doorteen guddoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa.
Guddiga ayaa guddoomiyaha guddiga doorasha u doortay Nuuradiin Ibraahim Aadan  halka Cabdulahi Cabdu Mudalib Ibraahim loo doortay ku xigeenka guddoomiyaha.
Galmudug: 
Isla maalintaas 5-tii bishan Juuly waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka guddiga doorashada SIET, ee  Galmudug kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen xubnaha guddigaas.
Maxamed Dahir Guuleed, ayaa noqday Gudoomiyaha cusub ee Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed Galmudug, Halka Saacid Aadan Jaamac, uu noqday Gudoomiye ku-xigeenka guddiga.
Guddiyada ayey doorashadoodu soo gabagabowday xilli ay doorashada aqalka sare ka dhiman tahay 13 maalin uun, lamana oga sida guddiyagan ay horay u guda geli karaan iyo in doorashada dib ugu dhici doonto xilliga loogu talo-galay.
Goobjoog News