U bood dhigaalka

Liiska Musharraxiinta Aqalka Sare Oo Maanta Loo Gudbinayo Guddiga Doorashada

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guddiga doorashada dadban ee 2016 loo gudbiyo liiska musharraxiinta xubnaha aqalka sare, kadib markii uu dib uga dhacay waqtigii loogu talogalay.

5-tii bishan ayeey ahayd in xubnahan loo soo gudbiyo guddiga doorashada dadban, balse dib ayeey u dhacday.

Guddiga doorashada ayaa muddo Labo cisho ah u qabtay maamul goboleedyada in xubnahay ay ku gudbiyaan, iyadoo maanta ay ku beegan tahay waqtiga gudbinta.

Dhanka kale Afhayeenka guddiga doorashooyinka dadbadan Maxamed Keynaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maamullada Jubbland iyo Koonfur Galbeed ay diyaariyeen 50% ergada doorasho ee aqalka hoose.

Doorashooyinka ayaa dib u dhacay Labo jeer waqtigii loogu talogalay, waxaana guddiga uu ka digey in mar Saddexaad ay arrintaasi soo laabato.

Goobjoog News