U bood dhigaalka

Liiska Xildhibaannada Aqalka Hoose Loo  Doortay Somaliland

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Muqdisho lagu doortay ilaa 6 Xildhibaan oo ka tirsan 46 Xildhiibaannada ee laga sugayo Somaliland, ra’isul wasaare ku xigeenka iyo wasiirkii hore arrimaha dibadda ayaa ka mid ah.

Weriyeyaasha Goobjoog News ee goobta doorashada joogay waxaa ay sheegayaan in ergada qaar ay dooranayeen wax ka badan hal xildhibaan.

Goobjoog News oo arrinkaas kala hadashay guddiga doorashada dadban ee heer federaal waxaa ay sheegeen in 3 kursi oo ka mid ah 6-da ee maanta la doortay ay hal ergo u codeeyeen arrinkaasina uu saxiixay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed sh. Cusmaan Jawaari.

Dhinaca kale, waxaa Goobjoog News la soo xiriirtay Bishaaro Cali Diriye oo ka qeylineysa in lacagtii murashaxnimada laga qaatay laakin loo diiday in ay gudaha u gasho hoolka doorashada, guddiga doorashada oo arrinkaas ka jawaabayey waxaa ay sheegeen in haweneydan ay diiday in ay tartanto.

Hadaba halkan ka akhriso Liiska Xildhibaannada la doortay:

Maxamed Cumar Carte

Cabdiraxmaan Beyle Ducaale

Yurub Axmed Raabi

Maxamed Ibrahim Cabdi

Caasho Koos Maxamed  Cumar

Axmed Dhimbil Rooble

Goobjoog News