U bood dhigaalka

Lix Nin Oo Isku Qarxisay Duleedka Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi ay isku qarxiyeen Lix nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen hoy ay ku sugnaayeen raggaasi, halkaasi oo qaraxyada kahor dagaal uu ka dhacay.

Deegaanka weerarkaan uu ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Raydable waxaana la sheegay in kahor inta aanay raggan is qarxin ay la dagaallameen ciidanka Koonfur Galbeed.

Saraakiishii hogaamineysay howlgalkaan waxay sheegeen in raggan tiradoodu gaareysay 9 ruux, 6 kamid ah ay is qarxiyeen markii ay rasaastu ka dhammaatay halka 3 kalena nolosha lagu soo qabtay.

Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow oo ah taliyaha ciidanka nabad sugidda Koonfur Galbeed ayaa saxaafadda u xaqiijiyey qaraxyadan iyo sidoo kale qaabka ay wax u dhaceen.

Waxa uu sheegay Taliyaha in saxaafadda ay u soo bandhigi doonaan Seddaxda qof ee ay nolosha ku hayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in halkaasi lagu diyaarinayey qorshe weeraro ismiidaamin ah loogu qaado deegaanno ka mid ah Koonfur Galbeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay maamulka Gobolka Baay si aynu arrintan faah faahin dheeraad ah uga helno hase ahaatee waa ay ka gaabsadeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News