U bood dhigaalka

Lix Qof Oo Ku Geeriyootay Dhul Gariir Ku Dhuftay Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Dhul gariir cabirkiisa lagu sheegay 6.2 oo ah qiyaasta lagu cabiro dhul gariirka ayaa saakay waxa uu ka dhacay bartamaha dalka Talyaaniga.

Inta la xaqiijiyey Lix qof ayaa ku geeriyooray dhul gariirkan iyadoo dad intaasi ka badan ay dhaawacyo kasoo gaareen, waxaana sidoo kale ku burburay guryo badan.

Kooxaha gurmadka ah ayaa wada baadi goobka dad la rumeysan yihiin inay weli ku hoos jiraaan burburka guryo ku dumay dhul gariirka.

Dhul gariir awoodiisa lagu qiyaasiya 6.4 cabirka dhul gariirada ayaa sanadkii 2009 ka dhacay dalkaasi iyadoo dad gaaraya 300 qof ay ku geeriyoodeen.

Goobjoog News