U bood dhigaalka

Lix Ruux oo Ku Geeriyootay Shil Gaari oo Ka Dhacay Duleedka Garoowe

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan inuu shil gaari oo ka dhacay duleedka maagalada.

Shilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Libaax oo u dhaxeeya magaalooyinka Garowe iyo Qardho, Shir gaari ayaa dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu rogmaday gaari xamuul ah kaas oo siday shixnado ganacsi, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay lix ruux, halka dhaawac uu kasoo gaaray laba ruux oo kale, kuwaas oo loosoo isbitaalka Garowe.

Wadada xiriirisa Garowe iyo qardho ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilala gaari , kuwaas oo sababa khasaare kala duwan oo soo gaara dadka ku safraya mwadada xiriirisa labadaan magaalo ee ganacsiga isu maro.

Goobjoog News