U bood dhigaalka

Llpp Jeenyo Oo Ku Soo Laabtay Horyaalka Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

kooxda kubbadda cagta LLP Jeenyo ayaa ku soo laabtay horyaalka Somalia Premier League hal fasal ciyaareed ka dib,iyagoo ka qeyb ka ahaa naadiyada horyaalka heerka labaad ee (Divisio 1) waxaana ku soo laabashada Jeenyo soo dhaweeyay taageerayaasha iyo bahda kooxda Jeenyo.

Macallimiinta kala ah Axmed Tahliil Cali iyo Hamza Maxamed ayaa da’daala wanaagsan ku bixiyay in ay kooxda ku soo laabta horyaalka Somalia Premier League waxayna sidoo kale ay soo saareen xidigo da’yar ah oo kaalin wanaagsan ka qaatay horomarka guulaha ee naadiga Jeenyo.

“Waa guul weyn aan samaynay waxaan u mahadcelinaynaa maamulka,macallimiinta,ciyaaryahanada iyo taageerayaasha kooxda oo qeyb weyn ka ahaa in aan dib ugu soo laabano horyaalka Soomaaliya” ayuu  Goobjoog Sports u sheegay tababaraha kooxda LLP Jeenyo Axmed Tahliil Cali.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle