U bood dhigaalka

London: Dibadbax Looga Soo Horjeedo Shirka Shidaalka Soomaaliya Oo Maanta Dhacaya

Sheeko:Dalka

Maanta oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax weyn, oo looga soo horjeedo shirka shidaalka Soomaalida.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed.

Inkasta oo dowladda federaalka ah sheegeyso in shirkan uu yahay soo bandhigidda sahanka, hadana sidaasi si ka duwan waxaa u hadleysa shirkadda shirka London ee maanta dhacaya soo qaban-qaabisay ee Spectrum Geo.

Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn: 

1. Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla.

2. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment)

3. Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement).

4. Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn.

5. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment).

6. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law)

7. Soomaaliya ma lahan aqoon iyo khibrad ku filan oo hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka.

Goobjoog News