U bood dhigaalka

London oo Basaska Lagu Xiray Qalab Automatic ah oo Xawaaraha Dhimaya

Teknolojiyad cusub oo Automatic ah ayaa xawaaraha ka yareyneysa Basaska, Qalabkan cusub waxaa  lagu tijaabinayaa labo wado oo London ah, arintan oo la sheegayo in ay wax badan ka tari doonto shilalka iyo nabadda wadooyinka

Barnaamij Cusub oo aad ku baranayso Darawalnimada adoon Macallin U baahnayn, Waxaana lagu tijaabin doonaa Caasimadda halkaas oo ah goobta ugu saxmada badan.

Hay’adaha ka socda Nabad galyada Wadooyinka sida ISA waxaa ay sheegeen in ay jirto barnaamij la is ticmaalo GPS technology oo baska lagu  install-gareeyo, qalabkan oo ku tusinaya xaawaraha loo baahan yahay in lagu socdo.

In ka badan 1,800 oo dad ah ayaa ku dhintay Wadooyinka London shantii sano ee lasoo dhaafay.

Transport for London (TfL)  aya sheegtay in hay’adda ISA  in ay shaqo galin doonto 47 Bus bisha soo socota.

Inta u dhaceysay 2008-2013-kii, 1,859 ayaa ku dhimatay ama ku waxyeelowday wadooyinka magaalada London.