U bood dhigaalka

London: Weriye Axmed Cabdinuur oo u Geeriyoodey Covid 19

Sheeko:Amniga

Axmed Cabdinuur, oo ahaa weriye in badan ka shaqeynayey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa maanta London ugu geeriyooday Covid 19

Axmed ayaa la sheegayaa in BBC Somali ku biiray 1996-dii ilaa markii dambe uu shaqada ka fariisto 2019-kii, waxaana uuna deganaa London. 2019

Weriye Cismaan Cabdi Xasan oo ka tirsan BBC Soomaali ayaa Goobjoog News uga warramay shakhsiyaddiisa isaga oo yiri ‘Waxaa uu ahaa weriye weyn, oo muddo dheer ka soo shaqeeyey BBC iyo Radio Muqdisho, waxaa lagu xusuustaa caawa iyo caalamka iyo barnaamijyo kale’

Weriye Cusmaan oo sii hadlaya ayaa yiri ‘ Waxaa uu ahaa qof dabeecad wanaagsan, oo banii’aad ah, deggan oo naxariis badan’.

Weriyaha geeriyoodey ee Axmed Cabdinuur, waxaa uu ifaka uga tagay hal wiil iyo xaas.

Goobjoog News