U bood dhigaalka

Loolanka Qatar iyo Imaaraadka, Ma Sababi Karaa in Soomaaliya Lasoo Noqoto Kiiska Badda?

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii ay Qatar ku guuleysatay Arbacadii soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaa soo baxay shaki badan oo laga qabo in is-afgaradka labada dhinac uu qeyb ka yahay soo celinta kiiska muran xadeedka badda ee la filayo in ICJ ay go’aan ka gaarto dabayaaqada sanadkan iyo weliba heerka uu gaaray loolanka Qatar iyo Imaaraadka ee geeska Afrika.

Go’aanka labada dal ay xiriirka kusoo celiyeen waxaa u sabciyey Amiirka Qatar Tamiim, isaga oo ku ammaanay Farmaajo iyo Uhuru go’aanka xikmadda ku saleysan oo geesinnimada leh halka Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala taahni oo wareysi gaar ah siiyey Al-Jazeera uu sheegay in arrintan timid kadib markii ay Farmaajo iyo Uhuru ay warqado ka heleen Amiirka.

Dhanka Soomaalida inkasta oo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu sheegay in muranka badda lagu soo afjari doonta Maxkamadda ICJ , kadib dhageysiga dacwadda ee afka ayaa la soo gaba gabeyay bishii Maarso 15-18 ee sanadkan, lana sugayo xukun cadaalad ah, laakin waxaa jiro xildhibaanno shaki muujiyey waxaa ka mid ah Axmed Macalin Fiqhi iyo Cabdiraxmaan Odowaa, iyada oo Fiqhi uu yiri “Kiiskii muranka baddu ma muddo kordhintii laga noqday oo kale ayuu noqday?! Waa lagama maarmaan in madaxweynaha waqtigiisu uu dhamaaday in uu caddeeyo mawqifkiisa ku aadan arrintan.! Halka Xildhibaan Odowaa oo qabo “Tanaasul badane Farmaajo amuu baddeenna ka soo tanaasulaa!”.

Shakiga xildhibaannada waxaa ay sidoo kale kuusoo aadeysaa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in 21-ka bishan laga yaabo iney Doxa tagaan Farmaajo iyo Uhuru, isla markaana la isku raaco in kiiska badda lagu dhameeyo wada hadal ka baxsan ICJ, taas oo aheyd dalabka Nairobi.

Maxay Tahay Faa’idada Qatar ugu Jirta Heshiiska Soomaaliya iyo Kenya?!

Qatar 2017-kii, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda Khaliijka iyo loolankooda kala dhaxeeyey Doxa ayey Soomaaliya siiyey mashruuc ku kacaya $ 200 million oo ah dhismaha Jidadka Muqdisho-Afgooye(30 kilometr) iyo Muqdisho-Jowhar(90 kilometr), mashruucaasi oo weli socda ayey hadana ka shaqeysay isu soo dhowaanshiyaha Soomaaliya iyo dal kale oo Doxa kala dhaxeeyo heshiis arrimo badeed kaas oo ah Kenya.

Si ay isugu ballaariso bariga Afrika,  shirka Qatar Petroleum ayaa bartamihii 2019-kii sheegtay in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25%  ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo  11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin. Bolooyadan oo kala ah: L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida aan sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri.

Qatar ayaa aaday dhanka bariga Afrika, dano badanna ku leh kadib markii Imaaraadka ay uga hor mareen Khaliijka Cadan iyo aagga badda Cas, shakiga ayaa ah in hadda heshiiskan ay dhex dhigtay Soomaaliya iyo Kenya uu arrinkaas la xiriiro.

Imaaraadka iyo Geeska Afrika: 

Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World  ayaa khamiistii hore waxaa ay $1 billion  ku bixin doontaa dhismaha jidka dekadda Berbera iyo Itoobiya.

Shirkada Imaaraadka ayaa gobolkaas joogay afartii sano ee ugu dambeysay.  DP World  ayaa waddo mashruuc lagu casriyeynayo dekadda Berbera oo ku kacaya  $442 million , kaas oo ay heshay 30 sano 2017-kii.

Shirkadda kale ee Imaaraadka P&O Ports ayaa iyada waxaa ay isla sanadkaas 2017-kii heshay maamulka 30 sano dekadda Boosaaso, waxaa ay ku kaceysaa $336 million.

Loolanka Qatar iyo Imaaraadka kuma koobna Soomaaliya ee waxaa uu ka jiraa meel badan oo Afrika iyo Asia ah, waana labo dal oo dhibaatadooda ay ka badan tahay faa’idad ay wadaan.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye,