Loolanka Sacuudiga Iyo Iran: Shiico Iyo Sunna Ka Weyn, Muqdisho Maxaa Halgoolka U Geliyay Riyaadh?

Haddii loolanka Sacuudiga iyo Iraan ay kula tahay in uu salka ku hayo arrimo la xiriira Shiica iyo Sunna, waad qaldan tahay!!, arrintan Madhab waa ka weyn tahay sida aad ku arki doontaa qormadan, laakin arrinta la yaabka leh waa Soomaalida oo laga iibiyay  in dagaalkan uu madhab yahay, waxaan ka xumahay in aan dhaho, laakin Muqdisho waxaa ay hangool ugu jirtaa Riyaadh!!

Hadda, waxaa taagan xiisad horleh, dhaxal sugaha 2aad ee Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegaya in Sacuudiga ay ku talo jiraan in loolanka kala dhaxeeya Iran ay u qaadaan gudaha dalka Iran halka wasiirka gashaandhigga ee Iran oo hadalkaasi ka jawaabayey uu sheegay in dalka Sacuudiga ay dhulka ku dari doonaan marka laga reebo magaalooyinka Maka iyo Madiina.

Hadaba, Hoos Ka Akhriso Heerarka Loolanka Iran iyo Sacuudiga:

Waa run in Iran iyo Sacuudiga aaney abidkood is jecleen, laga soo bilaabo jabkii Furus ee bilowgii Islaamka iyo  sida shiicada lagu aasaasay xilligii Cali Binu Abii Dhaalib, laakin waxaad la yaabi doontaa in loolanka hadda ka jira aanu ka horeyn Towraddii Iran ka dhacday 1979-kii.

Towraddii Iran (1979): Kacdoonka waxay Iran ka guurtay min Nidaamkii Boqortooyo uu madaxda ka ahaa Shaah Mohamed Rida Al-bahlawi iyada oo isku badashay Jamhuuriyad Islaami ah oo Madax ka yahay Ruuxullahi Al-Khumayni oo ahaa Aabihii Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran.

Sacuudiga oo la aasaasay 1932-dii waxaa uu saxiib la ahaa boqortooyadii Iran, Iran waxaa ay ilaalin jirtay xataa xeebaha Khaliijka, laakin wax walbo waxaa ay isbadaleen kacdoonka Iran kadib, wadaadada la wareegay Tahran waxaa ay wacad ku mareen in Towradooda u masaafuri doonaan dalalka Carabta.

Dagaalkii Ciraaq iyo Iran:

Dagaalkan oo loogu magac-daro dagaalkii Khaliijka ee 1aad waxaa uu socday 1980-1988-dii, Sadaam Xuseen oo xilligaas madaxweyne ka ahaa Ciraaq waxaa uu taageero xoogan ka heystay Sacuudiga iyo Carabta, intii dagaalkaasi uu socday Xujeyda dalkaasi Iran waxaa ay sanadkii 1987 illaa 40 qof ku dileen Xaramka iyaga oo isku dhacay ciidamada ammaanka Sacuudiga, in ka badan 3 sano ayuu xiriir labada dal go’naa.

Iran Iyo Reer Galbeedka:

Sacuudiga waxaa uu faa’ideystay isku dhaca Iran iyo reer galbeed kaas oo la xiriiray nuclear-ka  iyo awoodda ay Iran u leedahay is sameysato, is jiijiid dheer kadib markii Iran ay la heshiisay  kooxda P5+1 oo ka kooban US, UK, France, China, Russia iyo Germany arrintaas dalka Sacuudiga kuma farxin.

Isbaheysiga Iran Iyo Reer Galbeedka:

Iran waxaa ay ku jirtaa isbaheysiga la dagaalanka Daacish, waxaa ay xoog ku leedahay Ciraaq iyo Suuriya, weliba kalsoonida ay reer galbeedka Iran ku qabaan dhanka la dagaalanka Daacish kuma qabaan Sacuudiga, arrintaasi waa mid kale uu Sacuudiga waali u keentay.

Iran Dhinacyada Ayey Ka Jirtaa Sacuudiga:

Dalka Iran waxaa uu saameyn ku leeyahay kooxo madhab ahaan Shiico ah oo gobolkaasi jooga sida Shiicada dalalka Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, Yemen iyo Baxreyn, dagaallada gobolka ka socda haddii aad u fiirsato, waxaa ku gacan sareysa kooxda ay taageerto Iran

Xiisadda Ma Dilkii Nimirbaa:

Xiisadda hadda taagan waxaa sii korortay kadib markii Sacuudiga ay dal-daleen wadaadka Nimir Nimr January 1, 2016-kii iyo markii la gubay qunsiliyadda Sacuudiga ee Tahran, laakin sheekada sida aan sheegnay sidaasi waa ka qoto dheer tahay.

Arrinta Waa Siyaasad:

Iran waxaa ay wadda isballaarin dhan walbo ah, sidoo kale Sacuudiga, labada dal waxaa ay raadinayaan cid ay maamulaan siyaasad ahaan, geography ahaan, dhaqaale ahaan iyo Militari ahaanba, Soomaaliya hadda waxaa ay Sacuudiga ugu jirtaa hangool sida aan sheegnay, Riyaad waxaa ay adeegsaneysaa beer laxawsi ku aadan Islaamka, Sunnada, Kacbada, Nabiga….waxaa intaa dheer lacag….Hadaba Soomaalida goormee xaqiiqda ogaanee?

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW