U bood dhigaalka

Luqadda English-ka Oo Caqabad Ku Ah Qaar Ka Mid Ah Ardayda Dhameysay Jaamacadaha Dalka

Sheeko:Dalka

Dalkeena Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla Iskuullo lagu barto Luuqadaha Ingiriiska , Faransiiska iyo Carabiga , waxaana madal joog u ah maalin kasta arday isugu jirta wiilal iyo gabdho.

Waxaa hadda jira Iskuullada lagu barto luqadaha inay yihiin kuwo ay aad u buux dhaafinayaan dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana u badan dhallinyaro ka baxay Jaamacahada dalka ku yaalla qaarkood kadib markii ay caqabad kala kulmeen luqadda Englisha.

Haddaba Su’aasha jawaabta u baahan waxa ay tahay xiriirka ka dhaxeeya in qofka jaamacadda dhameeyay inuu shaqo helo iyo in uu yaqaano luuqadan Caalamig ah ee English-ka?.

Waakan Jamaal Axmed oo ah arday jaamacad ka baxay hadana barta Luuqaddan oo arrintan ka sheekaynaya.

“ Luuqadda Ingiriisku waxa ay noqotay mid muhiim u ah xiriirka adduunka ee qofku uu la yeelanayo , haddii aad arday tahay waxaad u baahan tahay in aad cashiro ka raadsato ama ka soo rogato baraha internetka laakiin haddii aadan aqooon u lahayn luuqadan waa ay kugu adkaanaysaa midaasi waayo maba garanaysid, marka waxaan aaminsanahay in muhiimadda koobaad ayba iyadu leedahay”.

Jamaal Axmed waxa uu aaminsan yahay in ay adagtay in qofku uu helo shaqo marka uu dhamaysto jaamacadda , inta yar ee heshana waxa uu sheegay in saamaynta ugu badan ay kala kulmaan luuqadda Engish-ka.

“ Jaamacad haddii aad dhamaysay oo aad shaqo doon noqoto waxaa markii aad dalbato codsi shaqo waxaa lagu waydiinayaa ma garanaysaa Ingiriis taasna waxa ay caqabad ku noqotay dhallinyaro badan oo shahaado jaamacadeed iyaga oo wata haddana aanan aqris iyo qoraal garanaynin luuqaddan ingiliish-ka marka waxaa hadda waajib nagu noqotay in aan luuqadda barano “.

Idaajaa Xusayn Geedi ayaa isaguna qaba aragti taas la mid ah waxa uuna isagu shaqo uu ku waayay luuqadda Ingiriiska darteed oo aanu garanaynin markaasi, hadda waa arday barta luuqadan .

“ Run ahaantii anigu kuma aan baraarugsanayn arrintan laakiin saamayn ayay igu yeelatay markii aan codsi shaqo oo aan dirsaday la iiga soo jawaabay laakiin xog warasigii dhanka luuqadda aan ku fashilmay taas darteed ayaana shaqadaydii ku waayay ‘ hadda luuqadan illaa aan ugu hadlo u qoro sida dadka u dhashay kama daba harayo”.

“ Waqtigan waa marka ugu badnaan ardayda Dugsigan wax ka barta ay yeeshaan wadahal iyagoo kaliya iskula hadlaya Ingiriisi , wiilal iyo Gabdho ayaa jooga halkani, koox koox ayay iskula taagan yihiin ardayda halkan ku sugan waxaana ay ku hadlayaan ingiriis .

Hadba sida ay ugu kala roon yihiin luuqadan ayay iskula hadlayaan , Heerka Hoose , Heerka Dhexe iyo Heerka Sarre .

Markan oo aan dhax taaganahay ardaydaasi sheekaddu waxa ay u maraysaa meel aad u wanaagsan waana ay ku raaxaysanayaan inay ku hadlaan Af Ingiriisiga .

Ismaaciil Maxamed Axmed waa Macallin dhiga Ingiriisi waxa uu ka sheekaynayaa baahida ardayda jaamacadaha dhameeyay ay u qabaan inay bartaan Luuqada. .

“ Ardayda jaamacadaha baahida ugu badan ayay u qabaan inay bartaan ingiriiska waayo waxaa uga xiran inay shaqo helaan , hay’adaha waawayn ee loo shaqeeyo sharuudooda koobaad ayaa ah in qofku uu garanayo luuqadan haddii uusan garanaynina shaqo maba helayo”

Si looga gudbo dhibaatada la xiriirta in shaqo uusan helin arday dhamayeeyay jaamacad haddii uusan aqoon Ingirisi maxaa la gudboon ardaydu inay sameeyaan ?.

“ Ingiriisku ha bartaan ardaydu waa lama huraan marka ay timaado in ay la xiriiran dunida inteeda kale ama ay wax ka bartaan jaamacadaha dibadda amaba ay shaqo ka raadsadaan hay’adaha kale ee waawayn”.

Si kastaba , badi ardaydeena dhamaysatay jaamacadaha dalka ayaanan si wanaagsan u aqoonin luuqaddan Ingiriiska taas oo sababtay in ardaydaasi aanay helin shaqooyinka markay ay codsadaan maadama lagu xujeeyo in ay garanayaan afkaasi .

Waxaa barayaasha luuqadan ay talo ahaan ku soo jeedinayaan in ardaydu marka ay marayaan dugsiga dhexe ayba u diyaar garoobaan inay bartaan si aysan marka ay jaamacadda dhameeyaan saamayn shaqo ugu yeelan .

W/Q: Munasar Mohamed Abdi.

Tafatiray : Bashiir Maxamuud Wehliye