U bood dhigaalka

Lydia Wanyoto oo dadka soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda ciiddul fidriga

Sheeko:War

Siihayaha xilka ergayga ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo AMISOM, Lydia Wanyoto Mutende ayaa manta u dirtay dadka somaaliyeed hambalyo ku aaddan ciiddul fidriga oo manta si weyn looga dabaal-dagay Soomaaliya.

Lydia Wanyoto ayaa shacabka Soomaaliyeed, u rajeysay inay ciiddan teeda kale ku gaaraan nabad iyo baraare, waxayna ku baaqday in laga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida dalka.

โ€œMuslimiinnta caalamka oo dhan waxaan ugu hambalyeynayaa maalintaan weyn ee ciidda. Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Somalia oo ku guuleystay inay soo dhameystaan maalmihii soonka,โ€ ayay tiri Lydia Wanyoto.

Ugu dambeyn, Lydia Wanyoto ayaa sheegtay inay shacabka Soomaaliyeed u rajeynayso inay si nabad ah maanta ku ciidaan.

Midowga Afrika ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya 22,000 oo askari oo ka taageeraya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, kuwaas oo ka socda waddamada; Uganda, Kenya, Burundi, Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Sierra Leone.