U bood dhigaalka

Ma Jiraan Heshiisyo Qarsoodi ah oo uu Farmaajo galay 5-tii sano ee La Soo Dhaafay?

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii uu Farmaajo noqday madaxweynaha Soomaaliya February 2017-kii, waxaa maalin walba soo ifbaxaya, oo dunida kale aan ka ogaannaa heshiisyo qarsoodi ah, uu la galay dalal shisheeye, kuwaas oo laga qariyey  hey’adaha dowladda gaar ahaan kuwa korjoogteynta sida sharci dejinta, kuwa dabagalka sida hanti-dhowrka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Heshiisyadan oo Siddeed(8) gaaraya ayaa ah qaar ganacsi iyo dhaqaale laga sameeyo, qaar militari iyo ciidan ah iyo kuwa kale, ayaa la garaneyn waxa uu ku beddeshay.

Hubka Shiinaha: Markab hub siday oo ka yimid dalka dalka Shiinaha ayaa March 18, 2022-kii ku xirnaa dekadda Muqdisho. Dokomentiyo ay heshay Goobjoog News waxaa ku xusan shixnado  hub noocyadiisa kala duwan ah oo markabka ku raran oo ku furtay dekadda Xamar, liiska xogta waxaa ku jira hubka noocyadiisa kala duwan, gaadiid, qoryo, rasaas iyo saanad oo ay ku jiraan booyado iyo waxyaabo kale, waxaa ay khubaro amni la hadlay Goobjoog ka digeen in hubkaas loo adeegsado arrimo la xiriira doorashada.

Dhanka kale, Gen. Townsend oo madax ka ah AFRICOM  ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay inuu jiro saldhig Militari oo uu Shiinaha ka sameysan rabo Soomaaliya, isaga oo intaa raaciyey inuu jiro wada hadal muddo socday oo u dhaxeeya labada dal, arrinkan oo labo todobaad laga joogo ma jirto cid ka tirsan Villada oo beenisay.

Arrinta saddexaad ee Shiinaha khuseysa, waa heshiisyo Kalluumeysi, Hantidhowraha qaranka ayaa January 12-keeda soo saaray digniin kama dambeys ah oo ku socota wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda isaga oo uga digay bixinta rukhsado, arrintan ayaa daba socotay warbixin hore oo isla hantidhowrka ku sheegay iney jiraan heshiisyo kalluumeysi oo sharci darro ah. Heshiisyadaasi waxaa la galay intii uu joogay maamulka Farmaajo, waxaana qeyb ka ah dad ka tirsan maamulkiisa.

Heshiiska Shidaalka iyo Coastline: Inkasta oo uu Farmaajo soo saaray Dekreeto madaxweyne oo  uu ku joojiyey heshiisyada xilliga doorashada, lana daabacay  7/8/2021, haddana waxaa muuqato in uu isla isagii ku lug lahaa heshiis shidaal oo lala galay Coastline.

Mas’uul ka tirsan shirkadda Coastline oo la hadlay Goobjoog News, codsadayna in magaciisa aan la xusin ayaa sheegay in heshiiska lagu saxiixay ogolaanshiyaha Farmaajo ayna caddeyn heystaan, lana wadaagi doonaan cidda ay khuseyso.

Coastal Exploration waxaa ay sheegayaan in lama filaan ku noqotay, jahowareer u arkaan hadallada ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, oo labadaba ku qanacsanaa heshiiska iyo habraacyadiisa.

Sida ay Goobjoog xog ku heshay, shirkado badan, oo qeyb ka ahaa maalgelinta ololaha Farmaajo ee 2017-kii waxaa ku jiray kuwa shidaalka ah, isaga oo lacago ka helay mas’uuliyiin ka tirsanaa.

4 Dekad ee uu Siiyey Itoobiya: June 16, 2018-kii,  waxaa booqasho maalin ah dalka ku yimid Abiy Ahmed ra’iisul wasaaraha Ethoipia waxayna madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo  isla soo saareen war murtiyeed sheegaya in Ethiopia ay Soomaaliya ka maalgashato 4 dekad, Taasina waxa ay muran weyn ka dhex dhalisay siyaasiyiinta shaki ballaaranna ku beertay Soomaali inteeda badan.

Itoobiya iyo Heshiis Maxaabiis Isweydaarsi ah: Dhiibistii uu Farmaajo dhiibay Cabdikariim Qalbi-dhagax August 27, 2017-kii, iyo fadhiyadii ka dambeeyey ee Farmaajo iyo Abiy waxaa ay soo saareen heshiisyo qarsoodi ah oo labada nin ay galeen kuwaas oo la xiriira maxaabiista, sirdoonka iyo arrimo kale oo la is dhaafsado, taas oo sidoo kale laga qariyey shacabka Soomaaliyeed.

Heshiisyada Militari ee Eretria: Farmaajo waxaa uu sidoo kale heshiis qarsoodi ah oo amni la galay dhiggiisa Afwerki iyada oo taasina ay keentay in ciidamo badan loo qaado tababar xoog ah, kuwaas oo qaarkood ay ku dhinteen dagaallo dhexmaray Abiy iyo Tigreyga.

Qatar iyo Heshiisyo Maldahan: Dalka Qatar ayaa sidoo kale waxaa uu la galay heshiisyo qarsoodi ah iyaga oo maalgeliyey dhismaha ay deggan tahay hey’adda NISA, waxaa kale oo madax uga dhigeen Fahad Yaasiin oo gacan saar la leh dalkaasi yar ee Khaliijka dhaca.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye