U bood dhigaalka

Ma lala Heshiiin Karaa Dambiile ay Booliisku iyo Cadaaladda Ku Raadjoogaan?!

Sheeko:Amniga

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya inuu dowladda la heshiiyey Cabdirashiid Janan, oo ahaa wasiir ka tirsanaa Jubbaland balse buugaagta dowladda federaalka ka ahaa baxsad ay ku raadjoogaan booliiska iyo cadaaladda.

 

Janan ayey horay dowladda ugu eedeysay inuu Gedo ka geystay dambiyo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadanaha iyada oo balan qaaday inuu arrintaas darteed cadaaladda la marsiin doono.

 

Cabdirashiid Janan waxaa ay dowladda Farmaajo qabatay 31-kii August 2018-kii, waxaana maxkamad lasoo taagay October 6, isla sanadkaas iyada oo loo heystay inuu galay dambiyo ka dhan ah banii’aadnimo.

28-kii January 2020-kii, ku dhawaad Shan bil kadib Cabdirashiid Janan ayaa isaga baxsaday xabsi ay dowladda ku xirtay sida ay xiligaasi sheegen hay’adaha Amniga

Seif Magango, oo ah agaasime ku xigeenka Amnesty International ee bariga Afrika ayaa markii uu baxsaday Janan sheegay in aan la aqbali karin inuu cadaaladda ka baxsado mas’uul la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

 

It is unconscionable that Abdirashid Janan, who is suspected of responsibility for crimes under international law and other serious human rights violations, has evaded attempts to bring him to justice.
Seif Magango, Amnesty International’s Deputy Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes