U bood dhigaalka

Ma Ogtahay In Xulka Brazil Loo Diiday In Ay Yimaadaan Soomaaliya? Ogow Sababta

Sheeko:Cayaaraha

Cabdullahi Maxamed (Cabdullahi Buurane) oo ka mid ah qorayaasha Isboorti dalka sidoo kalane ah macallin kubbadda cagta ayaa bahda ciyaaraha la wadaagay taariikh weyn uu Soomaaliya ka luntay,taas oo aheyd booqasho Xulka Brazil ku imaan lahaa Soomaaliya 1970.

“Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waxa ay diideyn in ay booqasho dalka ku yimaadaan Xulka Qaranka Brazil,iyagoo saluugay dhaqaalihii fara badan ee ku bixi lahaa imitaanka Xulkaas qiimo weyn ku leh kubbadda cagta aduunka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay qoraa Cabdullahi Buurane.

Sidoo kale Cabdullahi Buurane waxa uu sheegay in dalalka Brazil iyo Soomaaliya ay ka simanyihiin dhinacyo badan,isagoo tusaal u soo qaatay hab dhismeedka laacibiinta labada Wadan wuxuuna intaa ku daray in Brazil iyo Soomaaliya ay lee yihiin Xeebo kuwaas oo door wanaagsan ka qaadan kara dhinaca tababarka.

Halkan Ka Daawo Cabdullahi Oo Xogtaas La Wadaay Goobjoog Sports

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle