U bood dhigaalka

Maalinta Afrika Oo Maanta La Xusayo

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa Afrika laga xusayaa aasaaskii ururka midowga Afrika, waxaa maalinta 30-32 dal oo Madaxbanaan oo Afrikaan ah ay ku kulmeen magaalada Adis Ababa si ay u saxiixaan dastuurka Midowga Afrika.

1963-dii, kadib waxaa ku soo biiray ilaa 21 dal, South Afrika waxaa ay ku biiray 1994-tii markii uu dhamaday Midab Takoorkii, waxaa haatan madax ka ah Nkosazana Dlamini-Zuma oo gabadhii ugu horeysay ee madax ka noqota guddiyada AU, horay waxaay wasiir uga ahayd Koofur Afrika halka Robert Mugabe uu yahay Madaxweynaha ururka ee xilligan.

Afrika Day ayaa laga xusayaa meelo badan oo ay ku jirto Koofurta Afrika iyo dalal kale, ujeedada ugu muhiimsan waxaa in la xasuusto Midnimada Afrika iyo xeerka ay soo mareen, waxaa kaloo laga hadlaa horumarka ay ka gaareen dhinacyada Dimoqoraadiyadda, Nabadda, Xasiloonida iyo xitaa dhinacyada dhaqan dhaqaale.

Maanta waa 25 May 2015, Afrika waxaa ay xustay 53 sano guuradii kasoo wareegatay aasaaska ururka Organisation of African Unity taas oo markii dambe isku badashay African Union(AU).

Waxaa la dhisay ururkan sanadkii May 25, 1963-dii ururkii Midnimada Africa ama OAU kasoo markii dambe 9-kii July 2002-dii lagu badalay AU, xarunta Ururkan waxay ku taala Magaalada Adis Ababa ee ee Caasimadda Ethopia.

Waxaa uu Ururka leeyahay gole dhaqaale, mid Amni iyo mid nabad ilaalin iyo gudiyo joogto ah, waxaa jiro urur goboleedyo sida: IGAD, ECOWAS, ururka Midowga Carabta Afrika iyo Ururka SIIN iyo ZAAS ee SAAXIL iyo SAXARAHA.

Afrika Day, dalal badan ayaa maalin ciid u tahay oo fasax gala waxaa ka mid ah: Mali, Namibia, Zambia, Lesotho iyo Zimbabwe.

Maanta Afrika ma jiro dalal la gumeyso laakin waxaa jira dhibaatooyin badan sida Bariga qaaradda Soomaaliya, Waqootiga Libya, iyo Koofurta qaaradda Naigria..waxaa intaa dheer faqri, Aids iyo dhibaatooyin kale oo ay ku jiraa Xuriyadda la’aan.

Goobjoog News