U bood dhigaalka

Maalinta Bini’aadannimada Adduunka Oo Maanta La Xusayo

Sheeko:Dalka

Maalinta Banii’aadamnimada Aduunka ayaa dunida laga xusaa maanta oo kale sanad walba, waxaa sidoo kale inta badan laga hadlaa dadka ka shaqeeya howlaha Banii’aadamnimada iyo dadku ku waxyeeloobay howlahan, waxaa dadka lagu wacyi galiyaa Banii’aadaminimada iyo isu gargaaridda.

Waxaa sidoo kale warbixino soo diyaariyo  xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNOCHA).

Qaramada Midoobey ayaa  mar walba  cusboonaysiiso sida ay uga go’an tahay dedaallada ku aaddan naf-badbaadinta  iyada oo la xusuusanayo dhammaan kuwii naftooda ku waayay iyo kuwa ku guda jira howsha bani’aadannimada.

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in shaqaale badan oo howl banii’aadamnimo ku guda jiro ay naftooda ku waayeen.

Qaramada Midoobay waxaa ay ku celcelisaa  in weerarrada loo gaysto shaqaalaha bani’aadamnimada ay caqabad ku yihiin badbaadinta dadka sida aadka ah ugu baahan caawinaadda.

Maalinta Banii’aadamnimada waxaa ku dhawaaqay Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa December 2008, waxaa markii ugu horeysay la maamuusay  August 2009.

Maanta oo kale sanad walba waxaa la xusaa August 19 sanadkii 2003-dii oo Qaramada Midoobey shaqaalaheeda ku xasuustaan dhibaato iyo naxdin.

Maalintaas  wakiilkii xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Ciraaq Sérgio Vieira de Mello iyo 21 la shaqeeneysay ayaa  ku dhintay  bambaanooyin lagu weeraray xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Baqdad ee dalka Ciraaq.

Dalkeena Soomaaliya waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu qatarta badan xagga nolosha dadka ka shaqeeya Banii’’aadamnimada, Waxaa lagula kacaa Dil, Dhac iyo afduub intaba, waxaa kaloo jira dalal kale oo shaqaalaha Baniiaa’aadaminimada Qatar galaan sida Afgaanistaan, Ciraaq, Falastiin iyo Suudaan.

Ugu dambeyntii Maalitan Banii’aadamnimada waa maalin maamuus, mana aha Maalin dunida ay fasax gasho, waxaa la isku dhiiri galiyaa howlaha Banii’aadamnimada.

Goobjoog News.