U bood dhigaalka

Maalinta Caalamiga Ah Ee Haweenka Oo Maanta Looga Dabaaldegay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Munaasabad lagu maamuusayey maalinta caalamiga ah ee Haweenka (8-da Maarso) ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho waxaana ka qeybgalay xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda, haween iyo Marwada 1-aad ee madaxweynaha.

Wasiirka wasaaradda haweenka Sahro Cali Samatar oo munaasabadaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in dumarka Soomaaliyeed ay soo mareen waqti adag xilligaan uu yahay waqtigii loo kici lahaa horumar wanaagsan.

“Waxaan rabaa inaan xuso haweenka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday iyaga oo difaacaya wadanka ama iyaga oo danahooda bini’adannimo ku jira kuna dhintay gacan xaq darro ah aan baroor diiq uga bixiyo halkaan, haweenka waa laf dhabartii dunida, haweenka waa laf dhabarta nolosha, waxaan u maleynayaa 1977 ayeey ahayd markii adduunka isku imaadeen oo la’isku raacay in maalin loo dabaal deggo haweenka adduunka, markii dadaal badan ay sameeyeen ururada bulshada, ay arkeen hadii aan la difaacin haweenka in nabad iyo guul sinnaba aanay ku dhici karin, ururada bulshada oo isku tagay ayaa waxay keentay in maalin loo go’aamiyo oo loo gooyo difaacii haweenka, hadaba maanta oo ah 8-da Maarso ma ahan kaliya in afka laga sheego oo loo dabaal dego, waxaa kale oo la sameeyay sharciyo taxane ah oo loogu tala galay in la horumariyo haweenka iyo gabdhaha” ayeey tiri Wasiir Sahro.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hubanti ay tahay in dumarka kaalin weyn ay ka qaateen badbaadinta dalka, shegayna in hadii aysan ahaan lahayn qof dumar ah dalkaan waxa uu kusii dhici lahaa halis badan, waxaana uu sheegay inay tahay in wax walbo oo ku aadan arrimaha Soomaaliya ay muhiim tahay in laga qeybgaliyo Haweenka Soomaaliyeed.

“Waxaan leeyahay Haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka Hambalyo maalintaan caalamiga ah ee diiradda la saaro arrimaha gaarka u ah Haweenka, kolley waxaa loo hayaa xiiso farabadan ka qeybqaadashada dhanka siyaasadda oo arrintii oo dhan siyaasad bay kusoo biyo shubatay laakiinse xaqiiqdii waxa Dastuurkeenna na farayaa in xoogga la saaro ka qeybqaadasha haweenka ee dhinac walbo ha ahaato ka qeybqaadashada Haweenka xagga masiirka dalka, ha ahaato xafiisyada la’isku magacaabo iyo kuwa la’isku doorto” ayuu yiri Guddoomiye Mahad.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urs oo isna halkaasi ka hadlay ayaa qiray kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee badbaadinta dalka, wuxuuna sheegay in haweenku ay mudan yihiin in siyaasadda dalka ay ka helaan 30%.

“Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen samatabixinta dalkooda ma ahan mid la dafiri karo, waxay ahayd in 30% laga siiyo siyaasadda, laakiin hadda waxay haystaan in ku dhiow tiradaa, waxaase loo baahan yahay in ay helaan intaasi iyo in ka badan sababtoo ah samatabixinta dalka dumarka ayaa door muuqda ku lahaa, mana ahan in laga abaal dhaco maanta” ayuu yiri Michele Cervone d’Urs

Dumarka Soomaaliyeed ayaa aaminsan in sanadkaan uu u noqon doono mid uga duwan sanadihii hore sabab la xiriirta iney door weyn ku yeeshaan isbedalka siyaasadeed ee dhacaya dabayaaqada sanadkaan.

Goobjoog News