U bood dhigaalka

Maalinta Caawinta Ciribtirka Miinada Oo Laga Xusay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay kulan lagu xusayey maalinta ay Qaramada Midoobay u asteysay caawinta ciribtirka Miinada.

Waxaa kulankani ka qeybgalay qaar ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada iyo Miinooyinka ka dhacay dalka, waxaana ay ka hadleen xaalado badan oo haysta.

Dadkan naafada ah ayaa sheegay in aysan jirin illaa hadda cid wax u qabata maadaama ay yihiin dad lixaadkooda uusan dhameytirneyn.

Sidoo kale dadkan ayaa sheegay in ay jiraan hay’ado magacooda lacag kusoo qaata kuwaas oo sheega in ay wax u qabanayaan dadka naafada ah, hase ahaatee aan waxbo qaban.

“Anigoo ah Aamino Cali Geelle waxaan ka mid ahay naafada ku nool magaalada Muqdisho, waxaan dalban lahayn in nala caawiyo, dowladda Federaalka iyo shacabkeena waxaan ka dalbaneenaa inay noo soo gargaaraan, shaqo abuur inoo sameeyaan”

“Magacaygu waa Cabdullaahi Xasan, ahna guddomiyaha dallad ay ku midoobeen dadka naafada ah, waxaan maanta halkaan baaq ugu direynaa annaga oo ka qeybgaleyna munaasabaddan waxaan dalbaneenaa in laga jawaabo baahiyaha degdega ah ee ay qabaan dadkaan naafada ah”

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan dad badan oo ku naafoobay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada iyo qaar kusoo dhaawacmay gobollada dalka.

Goobjoog News