U bood dhigaalka

Maalinta Carruurta Afrika Iyo Dhibaatooyinka Heysta

Sheeko:Dalka

Qaaradda Afrika, waxaa maanta looga dabaaldegayaa Maalinta Carruurta Afrika, astaanta sanadkan 2016ka waa sida loo ilaalin karo xuquuqda carruurta xilliyada dagaalka iyo laalonka ay ka jiraan Afrika.

Afrika waa qaaradda ugu dagaallada  badan dunida oo dhan, waxaa lagu dagaalaa xukun, dhul, qabiil iyo sababo kale, caruurta, haweenka iyo dadka loo yaqaano birimageydada ayaa ah dadka u nugul dhibaatada ugu badan.

Dalkeena Soomaaliya ayaa sidoo kale sanad walba looga dabaal degaa Maalinta Caruurta Afrika 16-ka June, Laakin waxaa laga hadlaa caruurta iyo xuquuqdooda xilli carruurta Soomaaliyeed lagu tiriyo Carruurta Qaaradda kuwooda ugu dhibaato badan.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Carruurta ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ka mid tahay goobaha ugu khatarsan Qaaradda Afrika marka laga hadlayo Caruurta lagu shaqeysto, Carruurta hubka loo dhiibo ama kuwa is qarxiya, Caruurta Waxbarasho la’aanta la dhigo iyo Caruurta daryeel la’aan iyo cuduro u dhamaata.

Tiro badan oo carruurta Soomaaliyeed ah waa lagu shaqeystaa, Waalidka ama dad kale, arrintaas oo liddi ku ah xuquuqda carruurta.

Waxaa jiro Xaqiiqooyin kale oo Muhiim ah sida:

1991-dii ayey Afrikaanka bilaabeen in ay u dabaal degaan Maalinta Carruurta Afrika, wixii maalintaas ka dambeeyay Afrika waxaa ay 16-ka June sanad walba u dabaal degtaa Maalinta Carruurta.

3dii  Gabdhood ee Afrika ku nool mid ka mid ah waxaa la guursadaa iyadii da’da 18 jir ka yar, carruurtan ayaa u badan kuwa  qoyskooda uu faqiir yahay.

In Ka badan 30 Milyan oo Afrikaan ah ayaa Waxbarasho la’aan ku heysataa Qaaraddan, Waxaa intaa u sii dheer Carruurta Daryeel la’aan iyo Caafimaad darro.

Ugu yaraan Lixdii Carruur ah oo Afrika ku dhasho mid ka mid ah waxaa uu u dhintaa sababo la xiriira Cururo, Nafaqo darro iyo Daryeel la’aan hooyada heysata.

Carruurta Afrika waa kuwa ugu badan ee ku biira ciidamada, qaar duruufo ayaa heystaa halka intooda badan lagu qasbo.

Waxaa jiro Dalal iyo deegaanno waxbarashada gabdhaha aan la tixgelin oo awoodda la siiyo waxbarashada wiilka oo keliya.

Waxaa kaloo Carruurta Afrikaan ku haya, Gudniinka iyo Guurka laga guursado gabdhaha iyadoo aad u da’yar kuwaas oo keeni kara in Canugaas uu cuqdad qaado.

Waxaa Habboon Waalid walba oo Soomaaliyeed in uu isweydiiyo canuggaada ma heystaa daryeel ku filan, Aqoon Maadi ah iyo Mid Diini ah, Ma heystaa Daryeel nafeed, Ma heystaa daryeel caafimaad……Ku dadaal horumarinta cunugaada waayo waa raasmaalka aad heysato, waa midka berri aad hoos geli doonto.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye,