U bood dhigaalka

Maalinta Caruurta Afrika Oo Maanta La Xusayo (Akhri 5 Xaqiiqo ah)

Sheeko:Dalka

Xuska maalinta caruurta Africa oo ku beegan 16 June ayaa laga xusayaa maanta Qaaradda Afrika xilli  laga deyrinayo dhibaatada heysata caruurta Afrikaanka ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sanad walba looga dabaal degaa Maalinta Caruurta Afrika 16-ka June iyadoo Caruurta Soomaaliyeed lagu tiriyo Caruurta Qaaradda kuwooda ugu dhibaato badan.

  1. Hay’adaha u dooda xuquuqda Cauurta ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ka mid tahay goobaha ugu khatarsan Qaaradda Afrika marka laga hadlayo Caruurta lagu shaqeysto, Caruura hubka loo dhiibo ama kuwa is qarxiya, Caruurta Waxbarasho la’aanta la dhigo iyo Caruurta daryeel la’aan iyo cuduro u dhamaata.
  2. 1991-dii ayey Afrikaanka bilaabeen in ay u dabaal degaan Maalinta Caruurta Afrika, wixii maalintaas ka dambeeyay Afrika waxaa ay 16-ka June sanad walba u dabaal degtaa Maalinta Caruurta.
  3. In Ka badan 30 Milyan oo Afrikaan ah ayaa Waxbarasho la’aan ku heysataa Qaaraddan, Waxaa intaa u sii dheer Caruurta Daryeel la’aan iyo Caafimaad darro.
  4. Ugu yaraan Lixdii Caruur ah oo Afrika ku dhasho mid ka mid ah waxaa uu u dhintaa sababo la xiriira Cururo, Nafaqo darro iyo Daryeel la’aan hooyada heysata.
  5. Waxaa kaloo Caruurta Afrikaan ku haya, Gudniinka iyo Guurka laga guursado gabdhaha iyadoo aad u da’yar kuwaas oo keeni kara in Canugaas uu cuqdad qaado.