U bood dhigaalka

Maalinta Deegaanka Adduunka iyo Dhibaatooyinka Soomaaliya Heysta

Sheeko:Amniga

Maanta waxaa dunida oo dhan laga xusayaa maalinta deegaanka adduunka, dabaaldeggan ayaa ku soo aadaya xilli dalkeena ay dhibaatooyin badan heystaan deegaanka.

Maanta oo halkudheggu yahay “waa waqtiga dabeecada” ayaa waxaa olole loogu jiraa in la dhiirigeliyo waxyaabaha dabeecada ku saabsan.

Nolosha dhaqan dhaqaale ee dadka  Soomaaliyeed waxaa la sheegayaa in badankeed ku tiirsan tahay xoolaha nool, dalagga beeraha iyo khayraadka kale sida dhirta, taasi  oo qasab ka dhigeysa ilaalinta dhirta iyo daaqa, oo ay deegaanka ilaashadaan, oo ay feejignaan dheer u yeeshaan cidkasta oo burburinaysa.

Dhanka, meelaha ay dhibaatada ka jirto waxaa ka mid ah  gummaadka dhirta qoyan ee laga shidayo dhuxusha, taasi oo in badan laga dhoofiyo koonfurta Soomaaliya, loona baahan yahay sidoo kale in laga hortago.

Maalinta deegaanka waxaa muhiim ah in dhir lagu beero guryaha, lagu dadaallo nadaafadda deegaanka laguna dadaalo fayodhowrka.

Goobjoog News