U bood dhigaalka

Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee 15-ka May Oo Laga Xusayo Meelo Badan oo Dalka Ah

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobalada dalka waxaa maanta laga dareemayaa qaban qaabada munaasabado lagu maamuusayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed 15-ka May.

Munaasabadahaan ayaa aad loogu weyneynayaa sanad guuradii 72-aad ee kasoo wareegtay ururkii SYL oo xurnamadda maanta aynu haysanno usoo halgamay.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasn Nuur oo ka hadlay qiimaha ay maalintaan u leedahay shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay tahay maalin la oran karo inuu bidhaamay iftiinka ifafaalaha nabadda Soomaaliyeed, isaga oo dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeya maalintaan qiimaha badan.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybqaadan doona xusitaanka maalintaan shacabka Soomaaliyeed ku weyn, waxaana la filayaa in ay tagaan goobaha taariikhiga ah ee lagu xusuusto 13-kii dhalinyaro ee SYL.

Goobjoog News