U bood dhigaalka

Maalinta Dhimirka Oo Maanta Caalamka Laga Xusayo

Sheeko:Caafimaadka

Maanta oo ay ku beegan tahay 10 October, waxay ku beegan tahay maalinta dhimirka adduunka, sanad walbana maanta oo  kale waa laga xusaa guud ahaan dalalka caalamka ku yaalla.

Qaramada Midoobay ayaa maalintaan u asteysay dadka dhimirka la, waxaana munaasabado kala duwan ay ka dhacaan dalal ay kamid tahay Soomaaliya, waxaana jira dad badan oo xanuunkaasi la il daran.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay, dalalka ay ku dayacan yihiin dadka dhimirka ka xanuunsanaya kuwaas oo u baahan daryeel dhan walbo ah.

Dalka  kama jirto Dowlada si rasmi ah u damaanad qaadeysa xanaanaynta dadkan marka laga reebo xarumo si gaar ah loo leeyahay oo ay daah fureen shaqsiyaad gaar ah.

Dr.  Cabdiraxmaan Cali Cawaalle  Xabeeb, waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka sida aadka isugu howlay wax ka qabashada dadka dhimirka la ee Soomaaaliyeed.

Waxa uu furay xarumihii ugu horreeyay ee lagu daweeyo dadka dhimirka la, wixii ka dambeeyay burburka dowladdii dhexe ee dalka.

Xabeeb oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in haddii qofka maskaxda looga jiro ee Soomaaliyeed haddii la siiyo dareen ku filan in caafimaadkiisa wax badan iska bedali karo.

Xarumaha uu isaga maamulo ayuu sheegay in lagu daweeyay dad badan oo Soomaaliyeed, kuwo kalena haatan xanaano ay ku hayaan.

Laamiyada Muqdisho markii aad mareyso waxaad ku arkeysaa dad dhimirka la, islamarkaana aan haysan daryeel wanaagsan, lagana yaabo in dhibaato ay u geystaan gaadiidka iyo sidoo kale wax walbo oo nafta bini’aadamka halis ku ah.

Goobjoog News