Maalinta Dhirta Adduunka Oo Maanta Loo Dabaaldegayo (Warbixin)

Maanta oo ah 17 bisha april waxay ku beegan tahay maalinta dhirta iyadoo meela ka mid ah dalka laga xuso, haddaba faa’iida intee la’eg ayey dhirtu leedahay.

Dhirtu waxay ka mid tahay qayraadka rabbi uu ku maneystay dadka iyo noolaha kale waxayna u leeyihiin manaafacaad kala duwan oo lawada garanayo balse marka laga yimaado manaafacaadkaasi waxaa jira faa’iidooyin muhiim ah oo ay dhirtu leedahay kuwaasi oo nolosha u bahantahay.

Abdirishiid cartan cabiraxmaan waxaa uu bartay cilmiga maareynta deegaanka waxan waydiinay dhirta deegaanka faa’iida intee la eg ayey u leedahay?.

“Marka dhirta ay ku badato deegaanka waxaa la helayaa roob badan sidoo kale xayawaanka ayaa si gaar ah u helo meel ay kuwa noolaadaan islamarkaan daaq fiican ka hela waxa kale oo dhirta ay leedahay ahmiyad aan la soo kobi Karin”

Dhinaca kale waxaa u sheegay Abdirishiid Cartan Cabiraxmaan ayaa sheegay in dhirta la jarayo aysan wanaagsaneyn oo ay kenayaan nabad guur iyo roob la’aan waxaana uu ka digay inay dhulka laga dhameeyo geedaha taasi oo Qatar ku ah deegaanka.

sidoo kale abuukar waxa uu u ololeeyaa in dhirta la beero shaqadiisa waxay tahay baarista iyo habeynka dhirta lagu beero guryaha iyo darjinooyinka isagoo tusaale u soo qadanaya waddamo ka mid ah caalamka oo dhirta si wanaagsan looga faa’i ideysto ayuu shegay inay wanaagsantahay in bulshada ay ku dadaalaan in ay beertaan dhirta .

‘wali waxa jira in laga gabiyay beeridda dhirta sanadihii dambe mudadii burburka dhirta dadka kama faa’iideystaan sidaas darteed waa in dadka ay u istaagaan inay dhir beeraan”

Maxamed Abshir oo ka mid ah dadka tagay qurbaha ayaa sheegay in waddamada caalamka ay xanaaneeyaan dhirta ahmiyadna la siiyo
waxaa kale oo uu sheegay in xilligii barisamaadka dhirta loo beeri jiray si wanaagsan.

Magaalada Muqdisho ayaa mar la oran jiray magaaladi cagaarneed waxaayna dhirtu ku beerneed goobaha dar jinooyinka sida uu u sheegay Goobjoog News Tahaliil Xuseen oo u soo joogay xilligaas.

“Magaaladan waxa la oran jiray magaaladii cagaarneed taasi ayaa ku tusineysa in si gaar ah ahmiyad loo siin jiray dhirta lagana faa’i ideysan jiray”ayuu yiri: Tahalil Xuseen.

Sida ku cad cilmiga sayniska iyo tacliinta koonka geedaha waa kuwa neefta laga qaato ama maadada oksijinka taas oo lagama maarmaan u ah nolosha qofka.

Sidoo kale meelaha geedaha ay ku badan yihiin waa goobaha roobka uu u badanyahay iyadoo geedaha ay ka hortagaan nabaadguurka dhulka waxayna gabbaad nooga yihiin dabeylaha xooggan.

Dhirta waxaa lagu tilmaami karaa firaashka dhulka waa bilic iyo qurux eebbe wayne uu ku galladay ogaada
W\Q:- Cabdiwahaab Maxamed Ibrahim
Tifaftiray:- Bashiir Maxamuud Wehliye
Goobjoog News

Related Articles

7 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW