U bood dhigaalka

Maalinta Joojinta Sigaar Cabista: Akhriso Soomaaliya iyo Sigaar cabista

Sheeko:Dalka

Maalinta 31 May  waxaa dunida looga aqoonsaday maalinta joojinta cabbista Tubaakada iyo in dadka laga wacyi galiyo khatartiisa

Maalintan waxaa sidoo kale bulshada caalamka lagu wacyigeliyaa khatarta uu leeyahay Isticmaalka cabitaanka sigaarka iyo qeybaha kala duwan ee Tubaakada.

Waxaa si xaqiiq looga ogaaday in Sigaarka uu halis ku yahay Caafimaadka qofka iyo Caafimaadka dadka la joogo qofka cabbaya.

Arinta la yaabka leh ee tubaakada ku saabsan ayaa ah in nacfiga kaliya ee laga dhaxlo ay tahay in  uu dadka laayo haddana dunida aan laga mamnuucin gaal iyo Muslim intaba.

Sigaarka, shiishadda, tubaakada la ruugo, mida la calaliyo iyo tan kale ee daanka la gashado , dhammaantood waa noocyada dadka laga wacyigalinayo maanta oo kale.

Qaaradda Yurub waa sababta ugu badan ee dadkaas u dhintaan, qiyaastii in ka badan  700 000 (todobo boqol oo kun oo qof ) ayaa Sigaar dartii ugu geeriyoota sanad kasta .

Hay’adda caafimaadka aduunka ayaa daabacday in Tubaakada sanad walba dunida oo dhan ay u geeriyoodaan  6 million, iyada  6 lix boqol kun oo tiradaas  ka mid  ah iyagu ma cabaan sigaar-ka ee waxaa ay u geeriyoodeen maadaamaa ay  la joogeen oo kaliya dad sigaar Caba, Hey’addan waxaa kaloo ay sheegeysaa in Tobankii qofba uu hal qof u dhinta Caalamka maalin walba sababta Sigaarka.

Tubokaada ama Sigaarka  waxaa laga qadaa cudurka Kanser-ka ku dhaco Sanbabada, Dhuunta, Afka, mindhicirka, Killiyaha, Caloosha, Ilmo galeenka iyo Naasaha.

Haweenka uurka leh ee lagu ag cabo sigaarka waxaa ay halis ugu jiraan in ay soo ridaan ilmaha ama dhicisaan, Waxaa kaloo halis ugu jiraan in ay dhalaan caruur aan Caadi aheyn oo xanuunsan.

Waxaa intaa dheer, Sigaarka waxaa uu kuugu diraa bulshada, Waalidkaa waxaa laga yaabaa in uu kuugu naco Tubaakada darteed, waxaa uu dhaawacaa xiriirka adiga iyo bulshada, dadka waxaa ay ka xishoodaan in ay kusoo agfariistaan ama kula sheekeytaan, xitaa gabdhaha qaar ma jecla in ay la sheekeystaan ragga sigaarka caba.

Soomaaliya waxaa hadda laga isticmaalaa dhamaan noocyada kala duwan ee Sigaarka iyo Tubaakada arintaas oo halis ku ah bulshada Soomaaliyeed.