U bood dhigaalka

Maalinta La dagaalanka Carruurta Lagu Shaqeeysto Iyo Dhibaatooyinka Heysta Caruurta Soomaaliyeed

Maanta waxaa dunida laga xusayaa Maalinta la dagaalanka carruurta lagu shaqeeysto, waa Maalin caalami ah laakin Micno weyn u sameyneysa umadda Soomaaliyeed waayo dadka Soomaalida waxaa ay kaalimaha hore uga jiraan dalalka ku xadgudka xuquuqda caruurta.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Carruurta ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ka mid tahay goobaha ugu khatarsan Qaaradda Afrika marka laga hadlayo Carruurta lagu shaqeysto, Carruurta hubka loo dhiibo ama kuwa is qarxiya, Carruurta Waxbarasho la’aanta la dhigo iyo Carruurta daryeel la’aan iyo cudurro u dhamaata.

Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda Adanaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa horay uga digtay dhowr arrin oo ay ku jiraan askareynta carruurta iyo waxbarasho la’aanta.

Caruurta Soomaaliyeed, waxaa loo isticmalaa qaab aad u xun, waxaad arkeysaa ilmo yar oo shaqeynaya, qaar kale oo hub sita, waxbarasho la’aanta waa iska caadi, waxaa intaas ka daran caruurta daryeel la’aanta ku heyso waddooyinka oo si fudud looga faa’ideysan karo.

Mar haddii ay tahay Maalinta la dagaalanka carruurta lagu shaqeeysto oo Maalin caalami ah, waxaa xusid Mudan in qaaraddan aan joogno ee Afrika ay sidoo kale tahay qaaradda ugu xun ee la dhaqanka carruurta.

In Ka badan 30 Milyan oo Afrikaan ah ayaa Waxbarasho la’aan ku heysataa Qaaraddan, Waxaa intaa u sii dheer Caruurta Daryeel la’aan iyo Caafimaad darro.

Ugu yaraan Lixdii Carruur ah oo Afrika ku dhasho mid ka mid ah waxaa uu u dhintaa sababo la xiriira Cudurro, Nafaqo darro iyo Daryeel la’aan hooyada heysata.

Waxaa kaloo Carruurta Afrikaan ku haya, Gudniinka iyo Guurka laga guursado gabdhaha iyadoo aad u da’yar kuwaas oo keeni kara in Canugaas uu cuqdad qaado.

Waxaa halkaas ku cad, in caruurta Afrikaan ah iyo Soomaalida aanay heysan xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana meel looga dhacay dhamaan heshiisyadii ku saabsanaa Xuquuqda carruurta.

Waxaa jiro heshiis Caalami ah oo ku saabsan Xuquuqda carruurta, dalalka Xubnaha ka ah heshiiska ku saabsan xuquuqda carruurta waxa ay aqoonsan yihiin in ilmo kasta uu xaq u leeyahay inuu noolaado iyadoo qodobka 7,aad ee heshiiskaasu uu dhigayo inay tahay in la diiwaan geliyo cunugga marka uu dhasho markaas oo uu xaq u yeelanayo marka laga bilaabo dhalashadda , xaq qaadasho jinsiyad, iyo haddii ay suuragasho xaqa inuu aqoodo oo ay xannaaneeyaan waalidkiis.

January 20, 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo Saxiixay Sharciga Dhowrista Xuquuqda Carruurta, laakiin in sharcigan ay dadka ku dhaqmaan waa arrin kale oo waqti u baahan.

Hadaba waxaa habboon in la ilaaliyo xuquuqda carruurta, aan lagu shaqeysan isla markaana la siiyo dhamaan xuquuqdooda si ay Mustaqbalka u noqdaan kuwo anfaca dalka, dadka iyo diinta.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye,