U bood dhigaalka

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed Oo Maanta Loo Dabaal Degayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay ku beegan tahay 21-ka November, waxaa loo dabaal degayaa maalinta Macallinka Soomaaliyeed, iyadoo sanad walba sidaan oo kale loogu dabaal dego.

Macallinka oo ah hagaha bulshada, islamarkaana hadii aanu jiri lahayn aysan suurtagal noqon lahayn in la helo bulsho wax taqaan, ayaa hadana maanta shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay maalin aad iyo aad ugu qiimo badan.

Guud ahaan gobalada dalka Soomaaliyaa ayaa laga xusayaa maalintaan qiimaha badan, iyadoo ay jiraan munaasabado maalintaan loogu dabaal degayo.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay macallimiinta Soomaaliyeed, munaasabadan awgeed.

Wasiirka wasaaradaasi Khadra Bashiir Cali oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in maalintaan ay tahay maalin qiimo gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan tahniyad gaar ah u dirayaa macalimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, maadaama ay maanta ku beegantahay maalinta macalinka Soomaaliyeed ee 21-November, waxaana u rajeynayaa in sanadkan kiisa kale ku gaaraan horumar, runtii bisha October waxaa jirta maalinta macalinta adduunka, balse anagu waxaan ka doorbidnay in aan maanta oo kale xusno oo ah maalinta macalinka Soomaaliyeed” ayay tiri Wasiir Khadra.

“Waxaan tahniyad gaar ah u dirayaa macalimiinta dugsiyada Qur’aanka kariimka dhiga oo u ataagan in ubadka ay si wanaagsan ku bar baariyaan oo ay ka dhisaan xagga aqlaaqda, waxaan kaloo tahniyad u dirayaa Macalinta iskuulaadka, kuwa Jaamacadaha iyo macalinka koowaad oo ah Hooyoda,  waayo macalinta waa hogaamiyaha bulshada” ayay hadalkeeda ku dartay.

Macallimiinta Soomaaliyeed ayaa usoo dhabar adeegay in heerka waxbarasho ee dalka haatan marayo gaarsiiyaan, xilli 25-sano oo burbur ah dalku soo maray.

Goobjoog News