U bood dhigaalka

Maalinta Mujtamaca Adduunka Iyo Maalgashiga Gabdhaha

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale sanad walba waxaa dunida laga xusaa World Population Day, dunidan oo ay ku noolyihiin in ka badan 7.4 Bilyan dad ah ayaa laga walwalsan yahay tirada sii kordheysa.

Sanadkii 1810 oo waxaa dunida ku noolaa Hal bilyan halka maanta dunida ay ku nool yihiin ilaa 7.5 Bilyan oo dad ah.

Sanadkan waxaa dhashay ilaa 70 Milyan oo dad ah waxaana dhintay 30 Milyan oo qof, tiradaas waa mid rasmi ah.

July 11, 1998 Waxaa ay qaramada Midoobey go’aansatay in maanta oo kale loo aqoonsado maalinta dadka, Maalintaas waxaa dunida ku noolaa ilaa 5 Bilyan oo qof.

Sanad walba waxaa ay qaramada Midoobey doorataa shicaar ama astaan lagu yaqaano, sanadkan waxaa ay astaan u ah “ Maalgeshiga Gabdhaha”.

Dhibaatooyinka gabdhaha heysto waxaa ka mid ah: Waxbarasho la’aan, in Jinsiga ahaan la faa’idesyto oo Uur qaadaan iyo in ay yaraanta lagu guursado.

Qaramada Midoobey waxaa ay ku talineysaa in gabdhaha xuquuqdooda la siiyo, waxna la baro si bulshada u hormarto.

Inta guryahooda sanadkii hore si qasab ah looga saaray waxaa ay kor u dhaafayaan ilaa 65 Milyan oo qof, tusalaae ahaa Suuriya labo u bar dadka dalkaas waa kuwoo qax guryahooda uga maqan.

Dowladaha caalamka waxaa ay sameeyaan qorshe cad iyo baaritaan lagu ogaanayo dadka,miyiga iyo magaalada, da’da dhexdhexaadka ah, inta waxbarata, inta shaqeysa, inta baagamuudada ah iyo waxyaabo badan si bulshada loogu qabto adeegga ay u baahan yihiin.

Waxaa kaloo jira dhowr xaqiiq:

  1. Dadka: 52% dadka dunida ku nool waa dhalinyaro.

2.      2015:  21.3 million oo qof ayaa qaxooti ku ah dalal kale.

3.      10 million oo qof ma heystaan dhalasho iyo xuquuqdii ay lahaayeen,

4.      12 sano kasta waxaa dunidan ku biira 1 Bilyan oo dad ah marka la fiiriyo 25 sano ee ugu dambeysay.