U bood dhigaalka

Maalinta nabada adduunka oo maanta laga xusayo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta nabadda caalamka taas oo ay qaramada midoobey ansixisay waxaana lagu wadaa maanta in gudaha Soomaaliya laga xuso.

Munaasabadahan ayaa lagu soo bandhigi doonaa ahmiyadda dadka iyo dalka ay u leedahay nabadda inkasta oo ay jirto in meelo ka mid ah Muqdisho iyo qaar ka tirsan gobolada dalka ay ka dhacaan falal amni darro.

Rajo ahaan ma xuma sida nabada Soomaaliya ay tahay marka loo eego sanado badan oo la soo dhaafay laakiin wali su’aal ayaa ka taagan waxaa wadankan ay ku soo kordhin karto in la xuso maalinta nabadda.

Qaramada midoobey ayaa 1981-kii u asteysay maanta oo kale in ay noqoto maalin loo dabaal dago nabada adduunka.