U bood dhigaalka

Maalinta Qaranimada Taliyaaniga oo Muqdisho Lagu Maamuusay

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga oo lagu qabtay Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Talyaaniga kaalinta ay ka qaataan dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana ay ka go,an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Taliyaaniga iyo dowladda Soomaaliya.
“Waxaa farxad ii ah in galabta aan idin kala soo qayb galo xuska maalinta qarannimada Talyaaniga, si aan u xusno xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, dalkeenna markii uu ka dillaacay dagaalkii sokeeye ee kala dhantaalay, waxaan idin kaga mahadcelinaynaa qaabkii gobanimada badneyd ee Shacabka iyo Dowladdu gacmo furan ku soo dhaweeyeen qaxootigii Soomaaliyeed oo ay siiyeen fursado ay nolashooda” ayuu yiri Xamse Cabdi.
Dowladda Taliyaaniga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sida weyn u taageero dowladnimada Soomaaliya, waxaana ay gudaha dalka ay ka fulisay mashaariic badan kuwaas oo lagu hormarinayay kaabayaasha dhaqaale ee dalka, xilligii dowladdii Kacaanka, waxaana xilligaan ay hormuud ka tahay dowladaha ka taageera dib u dhiska dowladnimada, gaar ahaan amniga iyo mashaariicda hormarineed.
Goobjoog News