U bood dhigaalka

Maalinta Qaxootiga Adduunka & Dhibaatooyinka Qaxootiga Soomaalida

Sheeko:Dalka

Maanta waa maalinta qaxootiga adduunka, Sanadkan hadalhaynta maanlinta qaxootiga adduunka waa: Waxaan garab taagannahay qaxootiga, waxaa ay UNHCR sheegeysaa in ay hubin doonaan, in cunug kasta oo qaxooti ah uu waxbarasho helo, qoyska qaxootiga ahna uu helo meel uu ku noolaado halka qofka qaxootiga ah la barayo xirfad uu isbadal ku sameeyo bulshada uu ku dhexnool yahay.

Ilaa 60 Malyan ayaa la sheegayaa in dunidan lagu qasbay in ay ka tagaan guryahooda, sanadkii tagay hal Milyan dad ka badan ayaa magangalyo u raadsaday Yurub, Qaxootiga Suuriya ayaa ah dhibaatada ugu badan laakiin indhaha lagama qabsan karo qaxootiga Soomaaliyeed.

Soomaaliya:

Dalkeena waxaa uu ku jiraa dalalka ugu badan dad qaxooti ah ay dibadda ugu maqan yihiin, wadamada dariska waxaa jooga qaxooti badan oo Soomaali ah waxaa intaa dheer kuwa badaha ku dhamaaday iyaga oo nolol ka raadinaya Yurub ama Carabta.

Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka Kenya iyo Yemen, waxaa hasyto dhibaatooyin badan, labada dal waxaa ku nool tiro qaxooti ah oo aad isaga ag dhaw iyo midkiiba waxaa lagu qiyaasaa 500,000.

Maanta ma jirto cid si dhab ah ugu war haysa xaaladda ay ku sugan yihiin Qaxootiga ku nool labadaasi dal, sida ay kusoo noqonayaan iyo xitaa waxa sugaya Mustaqbalka.

Hadaba halkan waxaa kusoo koobi doonaa dhow Xaqiiqo oo ku saabsan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool labadaasi dal, waxa dalalkaas ka socda, meelaha ay joogaan iyo sida loogu daryeelo dalalka ay joogaan.

Dalka Yemen:

Soomaalida waxaa ay tageen dalka Yemen markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya 1991-kii, iyagoo intooda badan ku xarooday xerada Jaxiim balse waa laga soo raray dabaayaqadii 90-meeyadii, waxaa ay hadda ku jiraa Xerada Xaraz oo ku taalo gobolka Laxaj ee koofurta dalka Yemen.

Hadda gobolkaas iyo gobolada kale ee dalka waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeyay Xuutiyiinta iyo Dowladda Cabdirabu Mansuur Haadi.

Since 2011, Wixii ka dambeysay markii la riday Cali Cabdalla Salix waxaa dalka Yemen ka dhacay dagaalo iyo dhibaatooyin badan, lakin wali waxaa jooga Qaxooti badan oo dalal badan ka kala socda.

Yemen waxaa ay saxiixday 3 heshiis uu ka mid yahay Heshiiska UN-ka , “non-refoulement, qodobka 33-xaad ee 1951 Refugee Convention kaas  oo mamnuuceysa in Qaxootiga si qasab ah lagu celiyo, Geneva Conventions 1949-tii iyo heshiisyo kale oo Caalami ah iyo qaar goboleedy, waxaa ay sidoo kale Mas’uul ka tahay Qaxootiga in ay helaan nabadgalyo, Biyo, Caafimaad iyo Waxbarasho.

Qaxootiga Yemen jooga 95% waa Soomaali, waxaa ay galaan dalka tan iyo markii Soomaaliya ay gashay dagaaladii sokeeye, wixii april 2015ka ka dambeeyay waxaa Soomaaliya soo gaaray dad qaxooti ku ahaa Yemen kuwaas oo halkaas ka soo qaxay kadib markii Xuutiyiinta ay inqilaabeen dowladda sharciga ah ee Cabdirabu Mansuur Haadi.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya:

Soomaaliya ayaa ku qaxday dalka Kenya wixii ka dambeeyay 1991-kii markii ay dhacday dowladdii Siyaad Barre, waxaa uu qax labaad dhacay 2011-kii markii abaaro ba’an ku dhufteen dalka, Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku jira dad lagu qiyaasay ilaa 500,000 halka tiro kale ay ku jiraan xerada Kakuma.

Qaxootiga Soomaalida ee ku jira Dhadhaab tusaale ahaan waxaa jiro qof halkaas ku dhashay oo manta ilmo halkaas ku dhalay, Waxaa ku jira dad halkaas wax ku bartay, intooda badan waxaa laga yaabaa in aanay waligood arkin Soomaaliya ama xitaa in aanay rabin in ay dib usoo laabtaan.

Ilaa 5 xero oo halkaas ku taallo, waxaa ku jira Soomaali badan, waxaa dhibaato ku ah isbaddallada ka dhacaya dalka Kenya.

2 April 2015, Dabley ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa ee magaalada Garissa, Kenya,waxaa ku dhintay  150, waxaa ku dhaawactay 79 qof.

Dhacdadaas kadib, Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya W. Rutu ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay ku wargeliyeen in Qaxootiga Soomaalida Kenya looga saaro 3 Bil, haddii kale ay iyaga iska saari doonaan.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan heshiisyo dhexmaray Soomaalida iyo Kenya oo ku aaddan qaxootiga, kuwaas oo Sooyaalka aan ka soo qaadan karno:

November 10, 2013:  Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa heshiis ku kala saxiixdey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dalka Kenya,waxana heshiiska labada dhinac ay isla garteen waxaa uu la xiriira sidii dib loogu celin laha qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.Waxaana heshiiskaan uu yimid ka dib markii u qabsoomay shir saddex geesood ah oo ay yeesheen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, Mudadii uu socday shirkaan waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda UNHCR,waxana ka soo baxay heshiis dhigaya in qaxootiga ay si iskood ah dib ugu noqon karaan Soomaaliya,kaasoo meesha ay ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.Soomaaliya waxaa heshiiskan qalinka ugu duugtay wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo dhinaca dowladda Kenya ay u saxiixday wasiiradda arrimaha dibadda Aamino Maxamed, heshiiskan waxaa ka dhaqan galay in Qaxootiga qaar lagu soo celiyay dalka oo Xero looga dhisay Kismaayo dibadeeda kuwaas oo hadda degan, Kenya waa in ay sugtaa heshiiskaas.

9 iyo 18-ka April 2014: dowladda Soomaaliya ayaa dalka keentay dad Qaxootigaas ah oo si qasab ah laga soo musaafurisay dalka Kenya, Diyaaradda hore waxay ay waday 82 qof tan dambe 91 qof. Dowladda Soomaaliya ayaa dadkaas soo dhaweysay.

Kenya waxaa ay saxiixday 3 heshiis uu ka mid yahay Heshiiska UN-ka , “non-refoulement, qodobka 33-xaad ee 1951 Refugee Convention kaas  oo mamnuuceysa in Qaxootiga si qasab ah lagu celiyo, Geneva Conventions 1949-tii iyo heshiisyo kale oo Caalami ah iyo qaar goboleedyo oo dhamaan ka hor istaagaya in Qaxootiga qasab lagu celiyo, Kenya kama tilaabi karto heshiisyadaas.

April 8, 2015: Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in Dowlada Kenya waajib uu ka saaran yahay Ilaalinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool Xerada Dhadhaab ka dib markii Masuuliyiin ka tirsan Kenya ay sheegeen in qaraxyada ka dhaca Dalkaasi laga soo abaabulo Xeryaha Qaxootiga ee Waqooyi Bari Kenya.

Hadalkaan waxa sheegay Afhayeenka Hay’adaasi Emanuel Ibera oo u waramay BBC-da qaybta Afrika, waxaana uu carabka ku dhuftay, in Xeerarka Caalamiga aanu qabin in si qasab ah lagu celiyo Qaxooti ka soo cararay dalkooda.

April 17, 2015: Dowladda Soomaliya ayaa walaac ka muujisay Xaaladda qaxootiga Soomaaliya, sida ay qabaan shuruucda caalamiga ah iyo tan dareenka bini’aadamka xorta ahba, masuuliyaddii Dawladda Kenya iyo beesha caalamka ka saarneyd nabadgelyada iyo daryeelka qaxootiga Soomaaliyeed weli way taagan tahay, maadaama colaadii iyo deganaasho la’aantii dhulkoodii weli si buuxda wax isaga bedelin.

Inkasta oo la dagaalanka argagixisadu wax weyn ka bedelay dareenkii isjeceylka bini’aadamka ee adduunka, hadana waxaa lama huraan ah in dawladaha iyo dadyowga adduunka yeeshaan samir, dulqaad iyo awood ay ku kala saaraan dambiilaha iyo dulmanaha.

Dawladda Soomaaliyeed waxay helaysaa warbixinno naxdin leh oo la xiriira xaaladda dhinacyada amniga, nolosha qoyska iyo daryeelka caafimaadka ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka kenya.

July 2015: , Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya W. Rutu ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay ku wargeliyeen in Qaxootiga Soomaalida Kenya looga saaro 3 Bil, haddii kale ay iyaga iska saari doonaan.

May 2016: Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in ay dalkiisa xiriyo  Xeryaha qaxootiga.

June 8, 2016: Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku afgartay in soo celinta qaxootiga lagu saleyn doono heshiiskii 2013ka.