Maalinta Raadiyaha Oo Loo Dabaal-degayo iyo Taariikhda Raadiyaha

Maanta oo kale sanad waliba waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta raadiyaha, February 13 waa maalinta Raadiyaha adduunka, Waa maalin ay dunida xusto sida raadiyaha uga qeyb qaato Waxbarista dadka, War sheegista iyo Madadaalintooda.

Qaramada Midoobey iyo Caalamkaba waxa ay February 13, 2016 u dabaal-degaan sanad guuradii shanaad ee Maalinta Raadiyaha Adduunka.

Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa maalinta “World Radio Day”, Taariikhda uu leeyahay raadiyaha adduunka iyo  midda  Idaacadaha Soomaalida.

Maalinta Raadiyaha waxaa la qabtaa sanadkiiba mar, Qaramada Midoobey oo maalintan u asteeysay ama ugu talo-gashay in la dhiirigeliyo ahmiyadda Raadiyaha.

Maalinta Raadiyaha Adduunka ayey Qaramada Midoobey markii ugu horeysay  ku dhawaaqday in loo dabaal-dego sanadkii 2011-kii, sanadkan waxaa ay UNESCO hal ku dhig uga dhigtay“Raadiyaha, Xilliyada xaaladaha degdega ah iyo dhibaatooyinka ay jiraan”.

Maanta waxaa la dhiirigelinayaa: Xuriyatul qowlka iyo ammaanka saxafiga, in la xushmeeyo nolosha gaarka ah iyo xogaha ay bixiyaan dadka badbaaday iyo dadka nugul, shacabka in ay xaq u leeyihiin in ay war helaan xitaa haddii ay jirto xaalad degdeg ah ama dhibaato kale, raadiyaha in uu nolosha badbaadiyo iyo ugu dambeyntii in raadiye la helo waxaa ay muhiim u tahay badbaadinta nolosha.

Mr Ban Ki Moon xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa maanta dhambaal u diray caalamka, waxaa uu sheegay in raadiyaha uu muhiim yahay gaar ahaan xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka, Mr Moon waxaa intaa raaciyay in raadiyaha uu caawin karo dib u dhiska isagoo ugu dambeyntii soo jeediyay in raadiyaha uu badbaadiyo nolosha dadka.

Guglielmo Marconi oo ah aabaha iyo qofkii sameeyay raadiyaha ayaa ku guuleystay muddo kooban 1901-dii, maalintaa wixii ka dambeeyay waxaa uu sameeyay mowjado meel dheer laga maqlo isagoo arrinkaas ku helay1909-kii abaalmarinta Nobel-ka dhanka Physics-ka, ugu dambeyntiina Marconi oo nin talyaani ahaa 1910-dii waxaa qalabkiisa loo bixiyay magaca Radio.

Soomaaliya waxaa uu raadiyaha soo gaaray 1943-dii, xilligaas oo markii ugu horeysay la maqlay radio Hargeisa, radio Muqdishu ayaa xigay 1951-dii, dalkeena ayaa xilligaas ku jirtay gacanta gumeystaha Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Laanta Soomaaliga ee BBC-du waxa ay shaqadeeda bilawday 18-kii Luuliyo, 1957-kii, waxaana lagu bilaabey in ay hadasho toddobaadkiiba laba jeer oo min 15 daqiiqo ah, hase ahaatee, si isdabajoog ah ayaa marba loo kordhinayey muddada idaacadda ilaa ugu dambeyntii bishii Sebtember 1958-kii laga dhigey 15-kii daqiiqo ee idaacadda maalin walba.

Hadda waxaa BBC-da la dhageystaa afar jeer, Wariyaal ayaa u jooga Mugdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo, waxay tartan adag kula jirta FM-yada dalka.

Loolan adag ayaa ka dhaxeeyay Radio Muqdishu iyo BBC-da, iyadoo tan dambe ay aad u shaqaaleyn jirtay weriyaasha ugu wanaagsan radio Muqdishu si dhageystayaal u hesho.

Waxaa kaloo dardar ku socota Idaacadda Mareykanka laga leeyahay ee VOA-da, Xilligan waxaa u shaqeeya wariyaal laga yaqaano geeska Afrika, iyadana waxay tartan kula jirtaa BBC-da ingiriiska laga leeyahay oo dhan ah iyo Warbaahinta Soomaalida oo dhanka kale ah.

Soomaaliya, Kaalinta raadiyaha waxaa ka faa’iideystay dolwaddii Maxamed Siyaad Barre iyadoo u adeegsatay waddo walba oo shacabka ku hanan karto sida Warar, Heeso, Riwaayado iyo dhammaan adeegyada raadiyaha.

Xilligii dagaalada Sokeeye, Raadiyaha waxaa uu ahaa aalad aad u saameyn badan oo inta badan si qaldan loo adeegsaday, iyadoo hogaamiye kooxeed walba uu lahaa Idaacad afkiisa ku hadasha, waxaa ay sidoo kale idaacadaha qeyb ka noqdeen dagaaladii Sokeeye.

Wejiga seddexaad ee radiyaha Soomaaliya waxaa uu galay markii ay soo baxeen idaacadaha sida gaarka loo leeyahay wixii ka dambeeyay 1998-dii, iyadoo lagu guuleystay in shacabka cod ku yeeshaan siyaasadda iyo Nabadda dalka.

Soomaaliya weli Raadiyaha waxaa uu leeyahay Dhageystayaal badan oo ku xiran, inkastoo laga yaabo in dhageystayaal badan uu Raadiyaha waayey markii ay soo baxeen TV-yada, Internet-ka iyo Mobilada.

Raadiyaha waa isha koobaad ee wararka, gaar ahaan dadka reer miyiga ah iyo bulshadeena oo lagu tiriyo bulsho maqalka ku tiirsan, waxaa dalka ka jira FM-yo dadka si aad ah u dhageystaan, saameyn ma leeyihiin waa arrin maalin kale in laga hadlo u baahan.

Weriyeyaasha Soomaalida waxaa heysta dhibaato amni, waxaa ay ku shaqeeyaan xaalad amni darro, taasi oo ka hor istaagta in ay xog helaan, ilaaliyaan sirta qofka xogta ka helaan iyo xitaa in ay ku dhiiradaan kashifaadda musuqa iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW