U bood dhigaalka

Maalinta Shaqaalaha Oo Loo Dabaaldegayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay ku beegan tahay 1-da May 2018 ayaa guud ahaan dunida waxaa looga dabaaldegayaa maalinta shaqaalaha.

Meello ka mid ah dalka ayaa la filayaa in lagu qabto munaasabado lagu weyneynayo maalintaan, iyadoo la ogyahay in dalka ay ka jirto shaqo la’aan.

Dadka Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro ayaa ah badi kuwo aan hayn shaqooyin ku filan oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Muqdisho oo lagu qaban doono munaasabad maalintaan lagu xusayo ayaa diiradda lagu saari doonaa sida looga bixi karo shaqo la’aanta.

Shaqaalaha dowladda ayaa maalintan awgeed maanta loo fasaxay, waxaa jiro xafiisyo kale oo aan ahayn dowladda oo iyaguna shaqaalahooda fasaxay.

Goobjoog News