U bood dhigaalka

Maalinta soo afjarista gacmo ka laabashada dambiyada loo geysto Saxafiyiinta

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa caalamka laga xusayaa Maalinta soo afjarista gacmo ka laabashada dambiyada loo geysto Saxafiyiinta , in ka badan 700 oo Saxafi ayaa la dilay 10kii sano ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigay Hal Saxafi in maalintii la dilo.

9 ka mid ah 10ka qof ee dilka geysta waa ay baxsadaan oo sharci lama soo taago taasi oo horseedda cadaalad darro.

UNESCO  waxaa ay ka digeysaa in soo afjaris la’aanta dambiyada loo geysto Saxafiyiinta ay horseedo in indhaha laga daboosho dambiyada ka dhanka ah Xuquul Insaanka, Musuq-Maasuqa iyo Dambiyada.

Dowladaha, Bulshada rayidka ah iyo Warfaafinta ayaa loogu baaqay in ay taageeraan Maalinta soo afjarista gacmo ka laabashada dambiyada loo geysto Saxafiyiinta  si loo helo sharci iyo kala dambeyn.

Qaraarka waxaa uu soo jeedinayaa in dalalka xubnaha ka ah ay soo saran tallaabooyin looga hortagayo ama wax looga qabanayo gacmo ka laabashada dambiyada loo geysto Saxafiyiinta

Maanta oo kale 2013: Labo Saxafiyiin ah ayaa lagu dilay dalka Mali, taas ayaa keentay in maanta oo aqoonsado Maalinta soo afjarista gacmo ka laabashada dambiyada loo geysto Saxafiyiinta

Qaraarkan waxaa uu cambaareynayaa dhamaan dilalka iyo dhibaatada loo geysto Saxafiyiinta iyo dadka ka shaqeeya Warfaafinta, waxaa kaloo uu soo jeedinayaa in la horkeeno cadaallada dadka Dambiyada ka gala Saxaafadda iyo Saxafiyiinta.

Qaraarka waxaa uu dowladaha ku boorinayaan in ay ka shaqeeyaan deegaan ku haboon shaqo in ay helaan Saxafiyiinta si ay hal-abuurkooda u soo bandhigaan iyadoo aanay jirim cadaadis ama wax cabsi ah.

2014: Waxaa la sheegayaa in ay dhinteen 87 saxafi oo ka shaqeynayey hay’adaha Warfaafinta halka 2012 uu ahaa sanadkii ugu xumaa Saxafiyiinta waxaa sanadkaanla dilay in ka badan 123 Saxafi.

Goobjoog News