U bood dhigaalka

MAALINTA XORRIYADDA IYO MAALINTA MIDNIMADA OO MARKII UGU HORRAYSAY UU KALA SAARAY MADAXWEYNE XASAN SHEEKH

Sheeko:Amniga

Soomaaliya tan iyo intii ay jirtay waxaa sannad walba la xusi jiray laba maalmood oo xorriyad ku astaysan, walaw aanay jirin xeerar iyo sharci sidaas dhigayay, haddana waxa ay ahayd caado la joogteeyay 62 kii sannadood ee dawladda Soomaaliyeed ay jirtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay markii ugu horraysay waxa uu ka hadlay labada maalmood ee 26 Juun iyo 01 Juulay oo hore maalmo xorriyad ugu astaysnaa. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo labadaas maalmood loogu kala astayn doono dhacdooyinkii ay gaarka u kala lahaayeen.

Xaflad loogu dabbaaldegayay sannadguurada 62aad ee 01 Juulay oo xalay ka dhacday aqalka madaxtooyada, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh kaga hadlay arrinkan. Dadka siyaasadda falanqeeyaa, waxa ay ku doodayaan, tallaabadan uu qaaday madaxweynuhu in ay tahay mid lagu saxayo sooyaalka dhacdooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dal kastaa waxa uu leeyahay maalin gaar ah oo ugu astaysan xorriyaddooda, mana jiro dal maalin wax ka badan u dabbaaldega dhismahooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh tallaabadan uu ku kala soocay muunadda maalmaha 26 Juun iyo 01 Juulay, si ay u noqoto mid midha dhasha waxa muhiim ah in loo sameeyo sharci islamarkaana lagu faafiyo wareegto rasmi ah.

26 Juun, waxa ay ahayd maalintii koowaad ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay ciid Soomaaliyeed, sidaas darteed in maalintaas lagu asteeyo xorriyadda isirka iyo dawladda Soomaaliyeed, waxa ay ka dhigantahay taariikh iyo Sooyaal ummadeed oo la maamuusay iyo halgan iyo dedaal bulsho oo la sharfay.

01 Juulay, waa maalintii dhismaha Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed la aasaasay, waxa ay ku timid Jamhuuriyaddaasi doonis iyo dedaal nafhur leh oo ay bixiyeen Soomaalidii waxgaradka ahayd ee hormuudka u ahayd dadkooda.

Dhismaha Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxaa ku jira dhacdooyin xiisahooda leh oo ay dhallinyarada Soomaaliyeed wax badan ka baran karaan, waxaana ugu mudan, in Soomaalidu wax aan qabiil ahayn ay isku abaabushay waxna ku raadisay, 01 Juulay na ay noqotay maalintii doonistaas iyo dedaalkaasi u midho dhalay.